RASMI: Xidhiidhka Kubadda Cagta Spain Iyo Maamulka Horyaalka La Liga Oo Go’aan Weyn Gaadhay.

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF iyo maamulka horyaalka ugu sarreeya dalkaas ee La Liga ayaa si rasmi ah go’aan wada-jir ah uga qaatay guud ahaan kubadda cagta dalkaas.

La Liga iyo RFEF ayaa go’aansaday in gabi ahaanba la joojiyo dhammaan kubadda cagta heerarka kala duwan ee Spain ka socotay in mudo ah iyadoo waliba wakhtiga dib loo bilaabi doonana ay u qorsheeyeen inay la sugaan talada dawlada.

Labada dhinac ayaa soo saaray warbixin ay shaaca kaga qaadayaan inay samaynayaan waxkasta oo adeegyada asaasiga ah u noqonaya Spain iyagoo sidoo kale wanaag oo dhan u rajeeyay dadka uu saameeyay caabuqa Coronavirus.

Inta badan horyaalada iyo tartamada kala duwan ee dunida ayaa ah kuwo xidhan oo hakad galay iyadoo la wado qorshayaal lagu badbaadinayo nolosha dadweynaha maadaama oo caabuqa Corona uu saamayn xun yeeshay.

Si lamid ah horyaalka La Liga, Waxa sidoo kale la hakiyay horyaalada Premier League, Bundesliga, Serie A iyo Ligue One iyo waliba tartamadii xiisaha badnaa ee UEFA Champions League iyo Europe League.

Sidoo kale tartamada waaweyn ee uu saamaynta ku yeeshay Coronavirus ayaa ah tartankii la wada sugayay ee EURO 2020 oo dib loogu dhigay sanadka dambe ee 2021.