DEG-DEG: Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Oo Ganaax Kusoo Rogay Tababaraha Kooxda Kubadda Cagta Asluubta

Xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ayaa ganaax adag kusoo rogay tababaraha kooxda kubadda cagta heerka koowaad ee Ciidanka Asluubta Faysal Muuse Ildab (Faysal Dheere).

 

Qoraal kasoo baxay guddida anshaxa ee xidhiidhka kubadda cagta Somaliland oo ay ku saxeexnaayeen shan xubnood oo uu guddoomiye u yahay xoghayihii hore ee Xidhiidhka SL Sacad Maxamed Shire, ayaa waxa lagu sheegay in Faysal Dheere laga mamnuucay garoomada muddo laba ciyaarood ah, kaddib markii uu ku kacay falal lid ku ah anshaxa ciyaaraha.

Qoraalka Xidhiidhka laguma xusin fal gaar ah ama dhaqan ka baxsan asluubta ciyaaraha oo si gaar ah uu ugu kacay, hase yeeshee, tababare Faysal Dheere ayaa waajihi doona ganaax laba kulan ah oo uu bannaanka ka joogi doono labada ciyaarood ee ugu soo horreeya ee Kooxda Asluubtu ciyaari doono tartanka XKCSL ee ka socda garoonka Hargeysa Stadium.

Qoraalka uu xidhiidhku soo saaray ayaa waxa uu u dhignaa sidan: