CHAMPIONS: West Brom Oo Man City Ka Caawisay In Ay Koobka Premier League Ku Guulaysato Iyo Man United Oo Guuldaro Xanuun Badan Kula Kulantay Old Trafford

Kooxda Manchester City ayaa si rasmi ah loogu caleemo saaray ku guulaysiga koobka Premier league kadib markii ay caawin cajiib ah ka heshay kooxda West Brom oo Man United ku garaacday Old Trafford. Gool kaliya oo uu dhaliyay Jay Rodriguez ayaa Manchester City u gacan galiyay koobka Premier League kadib markii ay kooxda Jose Mourinho ku fashilantay in ay markale hakad sii galiso dabaal dega Sky Blues.

Manchester City ayaa xalay guul 3-1 ah Wembley Stadium kaga soo gaadhay Tottenham waxayna u baahnayd in West Brom ay saddexda dhibcood ka yarto Manchester United taas oo ay kooxda martida ku ahayd Old Trafford awooday in guuldaro ay ku bado kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Man United.

Manchester City ayaa hadda ah kooxda Championska England kadib markii ay kulankii Manchester Derby awoodi wayday in ay lugteeda saddexda dhibcood ee ayu baahnayd kaga qaadato Manchester United.

Manchester City ayaa 33 kulan oo Premier league ah ka heshay 87 dhibcood halka Manchester United oo kulanka West Brom guuldaro la kulantay ay isla 33 kulan ka heshay 71 dhibcood taas oo la micno ah in farqiga u dhexeeya Manchester City iyo Man United uu hadda noqday 16 dhibcood taas oo la micno in haddii Man United ay wada guulaysato shanta kulan ee u hadhsan oo ay City wada guuldaraysato in ayna wali gaadhi karin 16ka dhibcood ee Sky Blues horayso.

Sabab xisaabeedkan awgeed Manchester City waxay si rasmi ah ugu guulaysatay koobka Premier league ee xili ciyaareedkan 2017/18 iyada oo koobkan qaaday iyada oo shan kulan ka hadhsan yihiin xili ciyaareedkan waxayn dhigtay rekoodh taariikhi ah.

Man United iyo Arsenal ayaa haystay rekoodhka koob ku guulaysiga Premier League iyada oo min 4 kulan hadhsan yihiin laakiin Guardiola ayaa meel iskaga tiiriyay rekoodhkii Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger wuxuuna dhigay rekoodh taariikhi ah.

Guuldarada Manchester United ku soo gaadhay garoonkeeda ayaa ah guuldaradii labaad ee xili ciyaareedkan Old Trafford kaga soo gaadhay Premier league iyada oo kulanka hore Manchester City saddexda dhibcood kaga soo qaadatay Red Devils garoonkeeda taas oo la micno ah in City ay 6 dhibcood oo ay koobkan ugu guulaysatay ka heshay Old Trafford.

Dhinaca kale Manchester United ayaa iska lumisay fursadii waynayd ee ay kaalinta labaad ugaga horaysay kooxaha Liverpool iyo Tottenham iyada oo hadda hal dhibic oo kaliya ka horaysa Liverpool oo kaalinta saddexaad ku jirta balse Red Devils ayaan hal kulan wali ciyaarin.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda West Brom oo xili ciyaareedkii hore ay Chelsea ku dulqaaday koobka premier League ayaa xili ciyaareedkan noqotay kooxda koobka ku wareejisay Manchester City iyada oo waliba guul xili ciyaareedka kooxdeeda muhiimad wayn ugu leh ka gaadhay Man United.

 

1 Comment

Comments are closed.