DEG-DEG: Uefa Oo Soo Saartay Shaxdii Ugu Fiicnayd Champions League Ee Ay Jamaahiirtu Doorteen – Kooxdee Ugu Ciyaartoy Badan?

Advertisements

Jamaahiirta kubadda cagta ayaa codkooda ku doortay shaxda kooxdii ugu wanaagsanayd Yurub sanadkii 2019 iyadoo haatan UEFA ay si rasmi ah u shaacisay shaxdaas iyo waliba xiddigaha kusoo kala baxay.

Advertisements

Sida lagu sheegay warbixinta UEFA, In ka badan 2 Milyan oo taageerayaal ah ayaa codkooda dhiibtay iyadoo ay shaxdan awood ku muquunisay kooxda Liverpool oo sanadkii tagay uu u ahaa mid khaas ah.

Aan ku bilawnee goolhayaha shaxdan ayaa sida iska cad noqday Alisson Becker oo xulkiisa Brazil iyo Liverpool koobab door ah kula guuleystay, Alisson ayaa sidoo kale hore ugu soo guuleystay goolhayaha ugu fiican dunida sanadkii 2019.

Afarta daafac ayay saddex kamid ah Liverpool yeelatay waxaana ay kala yihiin Virgil Van Dijk oo abaalmarinta xiddiga Yurub hantay, Alexander Arnold iyo Andrew Roberston waxaana la midaysan daafaca Juventus ee Matthijs De Ligt oo Ajax wacdarro lasoo dhigay.

Khadka dhexe ee shaxdan ayaa ah Frankie De Jong oo sidoo kale Ajax xilli ciyaareed weyn lasoo qaatay laakiin Barcelona haatan ka tirsan iyo Kevin de Bruyne Manchester City ku samaynaya mucjisooyin.

Garbaha shaxdan ayaa ah kabtanka Barcelona ee Lionel Messi oo gool dhalinta Yurub kusoo guuleystay iyo hoggaamiyaha Liverpool ee Sadio Mane oo bandhigiisii ciyaareed ee abid ugu fiicnaa soo sameeyay 2019-kii.

Labada weeraryahan ee shaxdani yeelatay ayaa kala ah mashiinka goolasha Bayern Munich ee Robert Lewandowski iyo waliba Cristiano Ronaldo oo walow uu horyaalka Talyaaniga sanadkiisii ugu horreeyay ku qaadanyay haddana markale caddeeyay sababta uu khaas u yahay.

Halkan Kaga Boggo Shaxda Oo SAWIR Ah

Image

Advertisements