RASMI: Tababare Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Muddada Uu Goolhaye Alisson Becker Kooxdiisa Ka Maqnaan Doono.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hor finalka UEFA Super Cup ee ay Chelsea la ciyaari doonaan waxa uu ka hadlay xaalada dhaawicii goolhaye Alisson Becker ku soo gaadhay kulankii furitaanka Premeir League ee Norwich City.

Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in goolhaye Alisson Becker uu dhawr usbuuc garoomada ka maqnaan doono isla markaana uu seegayo kulanka finalka UEFA Super Cup ee ay Reds la ciyaari doonto kooxda Chelsea.

Alisson Becker oo saamayn layaableh ku soo yeeshay kooxdiisa Liverpool ayaa dhaawac kubka ah looga saaray kulankii Norwich City wuxuuna hadda garoomada ka maqnaan doonaa dhawrka usbuuc ee soo socda.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wax Ka Ogow Isbedelada Ay Premier League Ku Sameeyeen Sharciga Muuqaal Caawiyaha Garsooraha (VAR) Ee Xilli Ciyaareedkan La Hirgelinayo

Tababare Jurgen Klopp oo ka hadlaya xaalada Alisson Becker ayaa yidhi: ” Wax fiican ma aha, waa dhaawac kubka ah kaas oo xaqiiqdii isaga ku qaadanaya waqti uu maqnaado”.

“Anigu hadda ma doonayo in aan waqtiga saxda ah sheego ee uu ku soo laabanayo, laakiin hubaashii ma noqon doonto arbacada, sidaa daraadeed, waxaa waajib nagu ah in aanu eegno. Waqti ayay qaadanaysaa,, hubaashii laba todobaad way qaadanaysaa, waxaana waajib nagu ah in aanu eegno”.

Hadalka Jurgen Klopp waxa uu xaqiijiyay in muddadii hore loo sheegay in Alisson uu maqnaanayo in ay ka yaraan karto iyada oo markii hore laga hadlayay lix todobaa ilaa siddeed todobaad balse Klopp ayaa doonaya in uu sugo sida ay xaaladu noqoto.

SIDOO KALE AKHRISO:  Liverpool, Man United Mise Arsenal? Kooxda Sida Dhabta Ah Ugu Gacan Saydhay Inay La Saxeexato Philippe Coutinho Suuqii Xagaaga Oo La Ogaaday.

Jurgen Klopp oo ka hadlaya in hore aanu Alisson dhaawac u soo gaadhin oo ayna wax badan ka garanayn soo kabsashadiisa ayaa yidhi:”Haddaba waxaan arkay lix usbuuc iyo wax sidaas la mid ah, laakiin Alisson waayihiisa ciyaareed in badan muu dhaawacmin, sidaa daraadeed, waxaan jecelahay in aan yara sugo si aan u aragno sida uu hadda u horumaro, laakiin todobaadka soo socda ma ahaan doonto”.

Liverpool ayaan adeega Alisson Becker heli doonin finalka UEFA Super Cup ee ay arbacada la ciyaari doonaan kooxda Chelsea iyada oo goolhayaha sida xorta ah Anfield ugu soo biiray ee Adrian uu buuxin doono booskiisa.