RASMI: Tababaraha Cusub Ee Xulka Qaranka Spain Oo Lagu Dhowaaqay Iyo Madax Waynaha FA-ga Spain Ee Luis Rubiales Oo Geesinimo Muujiyay.

Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaa magacaabay macallinka cusub ee beddelaya Julen Lopetegui oo saacado ka hor shaqada laga caydhiyey.Madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta Spain ee Luis Rubiales ayaa amaan wayn ku halaya qaabka uu ula tacaalay xaalada xulka qarankiisa iyo qaabkii uu uga jawaab celiyay in macalinkiii qarankiisa ee  Julen Lopetegui loo magacaabay kooxda Real Madrid.

Saxaafada Spain ayaa markiiba waxay muujiyeen in madax waynaha cusub ee xidhiidhka kubbada cagta Spain ee Luis Rubiales uu qaatay go’aan sax ah markii uu shaqada ka caydhiyay Julen Lopetegui laakiin markale waxay ku amaaneen go’aanka deg dega ah ee uu kabtankii hore ee Spain ee Fernando Hierro uu ugu magacaabay in uu noqdo macalinka cusub ee La Roja.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Spain oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka fursan weyday inuu xilka tababarenimo ka caydhiyo Julen Lopetegui oo maalin ka hor si lama filaan ah loogu shaaciyey inuu yahay tababaraha cusub ee Real Madrid ee la wareegi doono shaqadii uu ka tegay Zidane.

Madaxweynaha xidhiidhka ayaa ku dooday in go’aankan lagu khasbay, daawona ay u tahay xulka qaranka, waxaana isla markiiba shaqada koobka aduunka ee xulka qaranka Spain bilaaban doona macalinka cusub ee Fernando Hierro.

Wakhti yar oo kooban kaddib markii uu madaxweynuhu shaqada ka eryey Lopetegui, waxa lagu dhowaaqay macallinka cusub ee xulka qaranka Spain kaas oo noqday Fernando Hierro oo hore ugu ciyaari jiray Real Madrid isla markaanka kabtan u soo noqday xulka qarankiisa Spain ee uu hadda macalinka ka noqday.

Hierro oo ay da’diisu tahay 50 jir ayaa cimrigiisa ciyaareed waxa uu ku qaatay kooxda Real Madrid oo uu u saftay 584 kulan, mana laha khibrad tababarenimo oo badan marka laga reebo in xili ciyaareedkii 2016-2017 uu kooxda yar ee Oviedo hoggaamiyey, hase yeeshee waxa uu tababare ku xigeen ka noqday Real Madrid ka hor intii aanu xil agaasimenimo ka qaban xidhiidhka kubadda cagta ee Spain.

Shaqadiisa ugu horreysa waxa uu bilaabi doonaa maalinta Khamiista oo uu tababarka siin doono xulka qaranka ka hor inta aanay jimcaha iska hor imanin Portugal.

Warbaahinta waxa ay sheegtay in tababaraha cusub ee Spain uu mar dhow qaban doono shir jaraa’id oo kale, kaas oo aan la ogeyn waxa uu kaga hadli doono, hase yeeshee wixii kasoo kordha waxa markiiba idinla socod siin doonta shabakadda ciyaaraha ee Gool24.