RASMI: Spain Vs Portugal, Argentina Vs Nigeria & Isku Aadka Koobka Heerka Groupyada Aduunka Ee Russia 2018 Oo La Sameeyay Iyo Sida Ay Qaramadu Iskugu Beegmeen.

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa magaalada Moscow ee dalka Russia ku qabtay isku aadka koobka aduunka ee sanadka cusub ka dhidi doona dalka Russia. Waxaa isku aadka loo sameeyay 32 xulk qaran oo 31 ka mid ahi ay iskreeb reebyo adag ku soo baxeen halka xulka qaranka Russia uu si toos ah koobka aduunka uga qayb galayo maadaama oo ay yihiin marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia 2018.

Xulka qaranka koobka aduunka difaacanaya ee Germany ayaa ku jira Group F , Waxayna isku group yihiin xulalka qaramada Mexico, Sweden iyo South Korea. Xulka qaranka koobka aduunka difaacanaya ee Germany ayaa ka badbaaday qaramadii uu ka cabsanayay isla markaana iyaguna ka cabsanayay wuxuuna Germany markale haystaa fursada ay ugu soo bixi karaan wareega 16 ka kooxood ee koobka aduunka.

Xulka qaranka Brazil oo doonaya in uu iska maydho ceebtii koobkii aduunka ee 2014 kii ciida dalkiisa kaga soo gaadhay ayaa hogaaminaya Group E waxaana kula jira xulalka qaramda kala ah Switzerland, Costa Rica iyo Serbia  waxayna Brazil haysataa fursad wayn oo ay ugu soo bixi karaan wareega 16 ka kooxood ee koobka aduunka

Xulka qaranka Argentina ayaa hogaaminaya Group D waxaana Argentina groupkan kula jira xulka qaranka  Iceland oo wali sii wata wacdarihii uu aduunka u muujiyay Euro 2016 si la mid ah xulalka qaramada Croatia iyo Nigeria.

Xulka qaranka Spain oo ka mid ah xulalka qaramada ugu cad cad ee koobka aduunka ku guulaysan kara ayaa ku jira Group B waxayna isku group yihiin xulalka qaramada Portugal , Iran iyo Morocco, laakiin kulanka Portugal iyo Spain ayaa xiiso badan yeelan doona iyada oo xidigo badan oo isfahamayaa ay iskaga hor iman doonaan.

Laakiin sidoo kale xulka qaranka England oo tartamadii waa waynaa ee la soo dhaafay ceeb kala soo kulmay isla markaana uu hadda hogaminayo ninka dhaliyarada ah ee Gareth Southgate ayaa ku jira Group G oo uu xulka qaranka Belgium hogaaminayo waxaana kula jira Tunisia iyo Panama.

Dalka marti galinaya koobka aduunka ee Russia ayaa Group A hogaaminaya waxaana kula jira xulalka qaramada Masar, Uruguay iyo Saudi Arabia. Waxaana Group A ku midoobay laba dal carbeed iyada oo Groupkani uu ka mid yahay kuwa aan cabsida wayn laga qabin.

Haddaba akhriste halkan kaga bogo isku aadka koobka aduunka ee Russia 2018 oo Dhamaystiran:

Group A: Russia, Saudi Arabia, Egypt, Uruguay

Group B: Portugal, Spain, Morocco, Iran

Group C: France, Australia, Peru, Denmark

Group D: Argentina, Iceland, Croatia, Nigeria

Group E: Brazil, Switzerland, Costa Rica, Serbia

Group F: Germany, Mexico, Sweden, South Korea

Group G: Belgium, Panama, Tunisia, England

Group H: Poland, Senegal, Colombia, Japan