DEG-DEG: Sergio Aguero Oo Cisbitaal Loola Cararay Isaga Oo Miyir Daboolmay Kuna Dhex Suuxay Qolka Labiska Qarankiisa Intii Lagu Jiray Waqtigii Nasashada Ee Kualnkii Argentina Iyo Nigeria.

Gool dhaliyaha xulka qaranka Argentina iyo kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa cisbitaal loola cararay kadib markii uu waqtigii nasashada ee kulankii Nigeria iyo Argentina uu miyar daboolmay. Xidiga ree Argentina ayaa gool ka dhaliyay qaybtii hore ee kulankii Nigeria ay qarankiisa ku dubtay 4-2 iyada oo Argentina ay guuldaro lama filaan ahi soo gaadhay markii uu Aguero ciyaarta ku soo laaban waayay.

Markii laga baxa garoonka Stadion FK ee ku yaal Krasnodar waxa uu Sergio Aguero qolka labiska ciyaartoydiisa u raacay iyada oo Argentina 2-1 hogaanka ciyaarta ku haysay laakiin intii ay ku jireen waqtigii nasashada Sergio Aguero ayaa suuxay waxaana ka tagtay garashada taas oo keentay in cisbitaal si deg deg ah loogula ordo.

Laakiin TyC Sports oo ciyaartii Argentina iyo Nigeria ee soo dhamaatay ka war bixiyay xaalada Aguero ayaa sheegay in miyirkiisu soo laabtay laakiin baadhitaano ayaa lagu samaynaya xidiga ree Argentina si loo hubiyo caafimaadkiisa iyo sababta keentay in uu qolka labiska qarankiisa ku dhex suuxay.

Sergio Aguero oo si fiican u ciyaaray qaybtii hore ee kulankii Nigiria ayaa si lama filaan ah ugu dhex suuqay ciyaartoyda xulka qarankiisa iyada oo ciyaartoyda xulka qarankiisa Argentina ay garoonka ku soo noqdeen iyaga oo dareen cabsi ah la soo kulmay waqtigii nasashada waxayna taasi keentay in ay lumiyaan hogaankii ciyaart ee ay 2-1 ka ku hayeen intii ayna naxdinta la kulmin.

Sida la xaqiijiyay Sergio Aguero ayaa hadda ku sugan cisbitaal ku yaal magaalada  Krasnodar ee dalka Ruuska halkaas oo xaaladiisa si buuxda loogu hubin doono inta aan la go’aamin in meel kale loo qaado ama ay xaaladiisu ka soo fiicnaanayso.

Muhiimada ugu wayn ayaa hadda ah in xaalada nolosha Aguero ayna noqon mid halis ah waxaana la filayaa in dhawaan laga heli doono faah faahin la xidhiidha sababta dhabta ah ee keentay in uu suuxay oo uu miyir daboolmay waxayna taasi walwal badan ku keentay xulka qaranka Argentina iyo kooxda Manchester City.

Wixii ka soo kordha xaalada Sergio Aguero waxaad kula socon doontaan wararkeena soo socda iyada oo la filayo in haddii xaaladiisu ay fiicnaan waydo uu caawa u hoyan doono cisbitaal ku yaal magaalada uu kulankii Argentina iyo Nigeria ka dhacay ee  Krasnodar waana markii labaad ee Aguero cisbitaal England ka baxsan la dhigay dhawaanahan isaga oo hore dalka Holland shil gaadhi ugu galay.

Comments

comments