DEG-DEG: Riyadii Een Hazard Oo Qarka U Saaran Inay Rumawdo & Heshiiskiisa Real Madrid Oo La Filayo In Saacadaha Soo Socda Lagu Dhawaaqo.

Waxa macquul ah in Real Madrid ay saacadaha soo soca rumayso riyadeeda ugu weyn suuqa xagaagan iyo mida waayahay ciyaareed ee xiddiga Chelsea ee Eden Hazard oo mudo dheer ay suuqa ugu jirtay.

Real Madrid ayaa sanadihii ugu dambeeyay soo joogtaysay xiisaha Hazard balse waxa markasta ka hor taagnayd kooxdiisa Chelsea oo markasta celinaysay dalab kasta oo kaga yimaada dhinaca Los Blancos.

Iska caabintii Chelsea ayaa soo dhammaatay kaddib go’aan qaadasho uu sameeyay Hazard oo sheegay inuu doonayo inuu bilaabo loolan cusub waxaana haatan suurtogalnimo weyn ah in saxeexiisa la iclaamiyo.

Waxa macquul ah in Real Madrid ay saacadaha soo socda farxad weyn siiso jamaahiirteeda isla markaana ay shaaciso in Hazard uu kooxdeeda kusoo biiray sida laga soo xigtay muuq baahiyaha ree Spain ee El Chiringuito TV.

Heshiiskan ayaa iman doona maalin kaddib saxeexa weeraryahankii Frankfurt ee Luka Jovic kaas oo isna shalay si rasmi ah ugu soo biiray Madrid.

Sidoo kale kooxda tababare Zinadine Zidane ayaa qarka u saaran inay Lyon kala soo wareegto daafaca bidix ee Ferland Mendy kaas oo ay wararka qaar sheegayaan inuu tijaabada caafimaadka ee Real Madrid marayo.

Lama oga hubaantida wararka sheegaya in Hazard saacadaha soo socda noqon doono ciyaartoy Real Madrid ah balse haddiiba ay rumawdo ayay noqon doontoo xoojin kale oo ay kooxdu samaysay kahor xilli ciyaareed ay dagaal weyn gali doonto.

Heshiisyadan iska soo daba dhacaya ee ay dhammaystirayso Madrid ayaa kamid ah qoddobadii dhaliyay in Zidane uu kusoo laabto xilka tababarenimo ee kooxda waxaana la filayaa inay sidooda usii socon doonaan.