HESHIIS DHAN: Real Madrid & Chelsea Oo Heshiis Buuxa Ka Gaadhay Iibka Eden Hazard Iyo Wakiilada Hazard Oo Belgium Soo Gaadhay.

Hawlgalkii Real Madrid ee Eden Hazard ayaa guul ugu dhamaaday kadib markii ay gacanta isgaliyeen maamulka Chelsea si ay ugala heshiiyaan iibka xidiga reer Belgium ee Hazard iyada oo wakiiladiisu ay soo gaadheen xarunta xulka Belgium.

Wakiilada Eden Hazard ayaa markii ay saacadu ahayd 1.45pm duhurnimo waxay soo gaadheen xarunta xulka qaranka Belgium si ay Eden Hazard ugu wargaliyaan in Chelsea ay aqbashay dalabkii ay Real Madrid ku doonaysay.

Wargayska AS ee Madrid ka soo baxa ayaa shaaciyay in hadda heshiiska Eden Hazard ee ay Real Madrid ku doonaysay uu yahay mid dhamaystiran.

Dhinaca kale sida aad muuqaalka hoose ka daawan karto, Sky Sports ayaa helay warka deg dega ah ee la xidhiidha in kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ay heshiis ka gaadheen iibka Eden Hazard.

Chelsea ayaa markii hore ku adkaysanaysay in Eden Hazard ay ku iibin karto 130 milyan laakiin sababo gaar ah oo jira ayaa maamulka Blues ku qasbay in ay aqbalaan dalabka Madrid ee 100 milyan yuro ku qiimaysan kaas oo u dhigma 88 milyan gini.

Iyada heshiiska Eden Hazard uu galayo 12 kii bilood ee ugu danbeeyay isla markaana uu saxaafada ka sheegay in uu bixitaan diyaar u yahay waxay taasi qiimihii ay Chelsea ku doonaysay ka dhigtay mid ayna ku adkaysan karin.

Florentino Perez ayaa ugu danbayn ku guulaysatay heshiiska Eden Hazard oo uu sanado badan ka hor doonayay wuxuuna caawin ka helay Eden Hazard laftiisa kaas oo hore u diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Blues.

Halkan ka daawo muuqaalka Sky Sports ee warbixinta heshiiska Real Madrid ee Eden Hazard.

Eden Hazard ayaa soo qaatay xili ciyaareedkiisii abid ugu fiicnaa ee waayihiisa Chelsea isaga oo soo dhaliyay 16 gool oo Premier league ah isla markaana 15 gool caawin sooo sameeyay wuxuuna ku lug lahaa 31 gool xili ciyaareedkan dhamaaday ee Premier league.

Hadda waxa la sugayaa in Real Madrid ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiska Eden Hazard iyada oo aanu idiin soo gudbin doono wixii heshiiskan ka soo kordha insha Allah.