RASMI: Ciyaartoyda Laga Helay Fayraska Karoona Ee Kooxaha Premier League Oo Lagu Dhawaaqay.

Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay natiijada baadhitaankii xiddigaha iyo shaqaalaha horyaalkaas lagaga samaynayay maalmihii ugu dambeeyay caabuqa Korona ee mudada kubadda cagta loo joojiyay.

Waxa maanta si weyn looga warsugayay natiijada ay ku dhawaaqi doonaan maamulka horyaalkaasi maadaama oo ay saamayn ku yeelan karto qorshaha xilli ciyaareedka dib loogu bilaabayo ee la qorsheeyay inuu bisha June dib u bilawdo.

Sida haatan horyaalkaasi ku shaaciyay warbixin rasmi ah, kaddib 748 qof oo isku jira shaqaale iyo ciyaartoy ayaa lix kamida shaqaalaha iyo xiddigaha oo saddex kooxood ka kala tirsan laga helay xanuunkan.

Warbixintan rasmiga ah ee kasoo baxday maamulka Premier League ayaa lagu sheegay in lixda shaqsi ee laga helay xanuunka dhammaantood ay mudo toddoba maalmood ah is karantiimi doonaan.

Warbixinta rasmiga ah ee PL ayaa u taalay sida tan “Premier League ayaa maanta xaqiijin kara in Axadii 17-kii May iyo Isniintii 18-kii May, 748 ciyaartoy iyo shaqaale kooxeed laga baadhay caabuqa Korona, lix kamid ahaa kuwaas oo saddex kooxood kala ah ayaa laga helay”

Dhinaca kale warbixinta kasoo baxday horyaalka ayaa lagu sheegay in magacyada iyo xogaha shaqsiyaadka laga helay xanuunka aan la shaacin doonin iyadoo la raacayo sharciga.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook