Mid Kamida Xiddigihii Paris Saint-Germain Oo Geeriyooday & Sababta Geeridiisa Oo Ilaa Haatan……

Da’yar hore uga tirsanaa kooxda ree France ee Paris Saint-Germain laguna magacaabayay Jordan Diakiese ayaa haatan lasoo sheegayaa geeridiisa sida ay xaqiijisay kooxdii uu wakhti xaadirkan ka tirsanaa ee AS Furiani Agliani oo ka ciyaarta horyaalada hoose ee France.

Kooxdiisii AS Furiani Agliani oo warbixin kasoo saartay dhimashada Diakiese ayaa ku sifaysay inuu ahaa da’yar jacayl iyo muxibo badan isla markaana markasta dhoolacaddaynaya.

 French footballer Jordan Diakiese has sadly died at the age of just 24

AS Furiani Agliani ayaa intaas ku dartay in geerida Jordan Diakiese ay si xun u taabatay xiddigaha iyo dhammaan shaqaalaha kala duwan ee kooxdaas isla markaana ay la tiiraanyaysan yihiin qoyskiisa.

Jordan Diakiese oo 24 sano jir ahaa ayaa la aaminsan yahay inuu shalay oo Khamiis ahayd galinkii dambe ku geeriyooday caasimada France ee Paris.

Arrinta kale ee la shaaciyay ayaa ah inaan ilaa haatan la ogayn waxa sababay inuu geeriyoodo Jordan Diakiese balse geeridiisa oo kaliya la xaqiijiyay.

Shaqsiyaadka iyo kooxaha kala duwan ayaa diray tacsidooda isla markii ay kooxdiisa AS Furiani Agliani barta Instagram ku shaacisay geerida 24 sano jirkan.

Kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain ayaa barteedaasi soo dhigtay sawir isaga oo kooxdooda matalaya ah iyaga oo soo raaciyay qoraal ah “Waligayo kuma ilaawi doono, Jordan”

Diakiese ayaa kasoo baxay akaademiga PSG kahor intii uusan sanadkii 2012 ku biirin kooxda B-da ah ee kooxdaas balse waxa ugu dambayn kooxda laga fasaxay sanadkii 2015.

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook