DEG-DEG: Mid Kamida Ciyaartoyda Ay Barcelona Leedahay Oo Uu Haleelay Caabuqa Aduunka Waalay.

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid dhirbaaxo culus kala kulantay xanuunka saf-marka ah ee dunida dhibaatada ba’an u geysanaya ee Korona kaddib markii laga helay mid kamida xiddigaha ay mulkiyadooda leedahay.

Sida uu sheegayo wargeyska Mundo Deportivo ee fadhigiisu yahay magaalada Barcelona, xanuunka ayaa laga helay xiddiga Barcelona ee Matheus Fernandes oo qaab amaah ah haatan kula jooga kooxda kale ee La Liga ee Real Valladolid.

Matheus is already in Valladolid: "I'm excited to play in Barcelona"

Mundo Deportivo ayaa sheegaya in 21 sano jirkani uu kamid ahaa xiddigaha horyaalka La Liga ee xanuunka qabay isla markaana laga karantiimay xiddigaha kale ee kooxdiisa, si lamid ah Fernandes, xiddiga kale ee Valladolid ee Oscar Plano ayaa la sheegay inuu xanuunka qabo.

Warkan ayaa ah midkii ugu dambeeyay ee naxdin leh ee uu helo maamulka horyaalka La Liga ee isha ku hayay inay tartankaas dib u bilaabaan iyadoo ay xusid mudan tahay in horena dhawr ciyaaryahan oo kale oo horyaalkaas ah laga helay caabuqan.

Matheus Fernandes ayay bishii January lasoo saxeexatay Barcelona waana xiddig ka ciyaara booska khadka dhexe ee bur-buriyaha, waxa si deg deg ah amaah loogu siiyay Valladolid si uu wakhti ciyaareed wanaagsan u helo.

Imaatinkiisii January iyo in kubadda cagta si deg deg ah loogu joojiyay sababta xanuunkan dilaacay ayaa ka dhigan inuusan wali fursad uu kooxdaas ugu ciyaaro helin waxaana loo badinayaa inuu xilli ciyaareed kale amaah kula joogo.

 

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook