DEG-DEG: Mesut Ozil Iyo Aaron Ramsey Oo Laga Saaray Liiska Ciyaartoyda Arsenal Ee Kulanka UEFA Europa League Ee BATE Borisov Iyo Falcelintii Jamaahiirta Gunners.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee uu kala qayb galayo kulanka UEFA Europa League ee ay booqanayaan kooxda  laakiin waxaa lama filaan noqday markii liiska uu Emery magacaabay laga dhex waayay xidigaha khadka dhexe ee  Mesut Ozil iyo Aaron Ramsey.

Arsenal ayaa barteeda twitterka ku soo dhaabacday liiska ciyaartoyda kooxdeeda ee u safraysa dalka Belarus waxaana liiskan ka maqan Mesut Ozil iyo Aaron Ramsey taas oo su’aalo keentay in ay layska waydiiyo sababta dhabta ah ee uu Emery xidigahan liiska kooxdiisa uga reebay.

Dhawaan ayay ahayd markii ay kooxda Juventus si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis rasmi ah la gaadhay Aaron Ramsey kaas oo kadib bisha June 30 si rasmi ah u noqon doona ciyaartoy Juventus ah laakiin balan qaadkii Arsenal iyo Ramsey ayaa ahaa in dadaal xoogan uu gali doono kooxdiisa Gunners inta heshiikiisa ka hadhsan wuxuuna sidoo kale ahaa hadal ay Arsenal war saxaafadeedkii kooxdeeda ku soo dartay.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Liverpool Oo Heshiis Cusub Oo Waqti Dheer Ah Ka Saxiixatay Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Kooxdeeda Ee Muhiimka Ah.

Markii ay Arsenal liiska ciyaartoyda kooxdeeda ay soo dhigtay barta twitterka waxay markiiba jamaahiirta Gunners ay fariimo badan ku cabireen daroonkooda iyaga oo layaab iyo cadho ka muujiyay sababta aanu Mesut Ozil liiskan ugu soo bixin.

Haddii aan soo qaadano qaar ka mid ah fariimaha jamaahiirta Arsenal ay ku bixiyeen bogga twitterka kooxdooda ee lagu soo daabacay liiska u safrranaya kulana BATE ee UEFA Europa League ayay sidan u dhigan:

Taageere Arsenal ah ayaa kooxdiisa u soo qoray: “Emery faraha ayuu dhiig kula jiraa”. Wuxuuna mid kale oo sababta Emery u reebay Ozil la yaabani uu soo qoray: “Haddii aad doonayso in aad isaga iibiso, in aanad ciyaarsiinin ma caawinayso”.

SIDOO KALE AKHRISO:  Miyay Barcelona Lasoo Wareegaysaa Neymar Gudaha Suuqa Xagaagan? Tababaraha Barca Ee Ernesto Valverde Ayaa Jawaab Bixiyay.

Taageere kale oo Arsenal ah ayaa isna soo qoray: “Anigu haddaba waxaan bilaabay in aan necbaysto ninkan Unai, taasi ma aha sida ay tahay in aad ula dhaqanto ciyaartoygaaga ugu hibada fiican”.

Laakiin taageere kale oo Arsenal ah ayaa saddex kalmadood iyo muuqaalka Mesut Ozil ku qeexay dareenkiisa wuxuuna soo qaatay Ozil oo muuqaal yar sare u soo qaaday qoraal ah “waa Run” taas oo fasaraysa saddexdan kalmadood ee uu soo raaciyay wuxuuna soo qoray: “Emery waxa uu neceb yahay Ozil” eeg muuqaalka hoose.

Taageere kale oo Arsenal ah ayaa aaminsan in sababta Ozil loo ciqaabayaa ayna Unai Emery ahayn balse ay madaxda sare tahay wuxuuna soo qoray: “Nimanyahow, fadlan kaliya waxaad ogaataan in maqnaanshaha Ozil aanu ka iman Emery lakaiin uu ka yimid kuwa ka sareeya oo isku dayay in ay isaga ku qasbaan in uu baxo, joojiya aflagaadada aad ku jeedinaysaan Emery”.

SIDOO KALE AKHRISO:  Messi La'aan Barcelona Waa Xaflad La'aan, Isbedelkii Valverde Laga Doonayay Oo Musiibo Noqday & AFAR Qoddob Oo Laga Bartay Guuldarradii Barcelona Ee Xalay.

Fariimo aad u badan ayay markiiba jamaahiirta kooxda Arsenal kaga soo falceliyeen maqnaansha Mesut Ozil ee kulanka Europa League ee Bate waxayna ku noqotay layaab in markale u Emery liiska kooxdiisa ka reebay xidiga reer Germany.