DEG-DEG: Mateo Kovacic Oo U Safray Magaalada London Si Uu U Dhammaystiro Heshiiska Uu Ugu Wareegayo Chelsea & Blues Oo Saxiixa Xiddigan Ku Dhawaaqi Karta Saacadaha Soo Socda.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Mateo Kovacic ayaa u safray magaalada London oo noqon doonta hoygiisa cusub kaddib markii ay kooxaha Real Madrid iyo Chelsea isku af-garteen in Kovacic uu u wareego dhinaca kooxda ree London.

Real Madrid ayaa ugu dambayn u ogolaatay xiddigan ree Croatia inuu ku biiro koox cusub kaddib markii uu maalmihii ugu dambeeyay si joogto ah u joojiyay tababarka kooxda, Los Blancos ayaana ku qasbanaatay inay Mateo u raadiyaan xal maadaama oo ay ka go’nayd inuu isaga tago kooxda.

Heshiiskan oo markii hore la filayay inuu noqdo mid Chelsea ay marka hore xiddiga hal sano oo amaah ah kula wareegto isla markaana ay sanadka dambe si joogto ah ula saxeexato ayaa noqday mid sidaa ka duwan kaddib markii ay Real diiday inay Blues u ogolaato qoddobka ah inay si rasmi ah ula wareegto xagaaga dambe.

Diidmada ay Los Blancos iska diiday inay Chelsea siiso fursada ay si joogto ah ugula wareegayso Kovacic ayaa muujinaysa sida ay kooxdu ugu rajo weyntahay in xiddigani uu maalin uun gaadhi doono heerkiisa ugu sareeya isla markaana uu muhiim ka noqon doono Santiago Bernabeu.

Ujeedada ugu weyn ee uu Mateo Kovacic uga cararay caasimada Spain isla markaana u sameeyay waxkasta si uu uga tago kooxda ayaa ah maadaama oo uu doonayo inuu helo ciyaar joogto ah iyo koox uu lama taabtaan ka yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Mateo Kovacic ayaa la filayaa in heshiiskiisa ay kooxda Chelsea ku dhawaaqi doonto saacadaha soo socda kaddib marka uu maro tijaabada caafimaadka isla markaana uu shaxda tababare Maurizio Sarri ka heli doono wixii uu ka waayay Real Madrid.