DEG-DEG: Manchester United Oo Heshiiska Goolhaye David De Gea Gaadhsiisay Ilaa 2020 & Qoddob Heshiiskii Hore Ku Jiray Oo Red Devils Caawiyay.

Kooxda Manchester United ayaa ka shaqaysiisay qoddob kamid ahaa heshiiskii ay hore uga saxaaxatay goolhayaha kooxdeeda ee David De Gea, Heshiiskan ayaa Red Devils ka caawiyay inay meesha ka saarto wararkii sheegayay inuu goolhayaha ree Spain qaab xor ah kaga baxayo Old Trafford xagaaga soo socda.

Heshiiska uu haatan kula jiro De Gea kooxdiisa ayaa ah mid dhacayay dhammaadka xilli ciyaareedkan isla markaana u ogolaanayay inuu kooxaha ka baxsan carriga England wada xaajood toos ah la yeesho.

De Gea will remain at United for at least one more year.EFE

Heshiiskan ayaa ah mid imanaya kahor inta aysan kooxdu heshiis wakhti dheer ah oo ka saxeexan De Gea, Labada dhinac ayaa isku raacay inay marka hore ka shaqaysiiyaan qoddobkii heshiiskii hore ku jiray ee ahaa inay kooxdu hal sano kordhin karto heshiiska xiddigan.

Heshiiska halka sano ah ee uu David u saxeexay kooxdiisa ayaa ah mid kooxda u ogolaanaya inay amaba sanadkaas heshiis wakhti dheer ah ka saxeexato amaba ay dhagaysato dalabaadka ka imaanaya kooxaha kale oo ay iibiyaan halkii ay qaab xor ah ku lumin lahaayeen.

De Gea ayaa lagu soo warramayaa inuu dalab culus hor dhigay kooxdiisa haddiiba ay doonayso inuu heshiis wakhti dheer ah u saxeexo, Dalabka 28 jirkan ayaa ah in kooxdu ay heshiiskiisa gaadhsiiso midka ay siiso Alexis Sanchez.

Ugu dambayn, Goolhaye De Gea ayaa tan iyo markii uu kusoo biiray Man United sanadkii 2011 kula guuleystay koobab door ah oo ay ugu waaweyn yihiin horyaalka Premier League iyo tartanka Europe League.