RASMI: Man City Oo Rafcaan U Qaadatay Maxkamada CAS Ka Hor Inta Ayna Xataa UEFA Soo Saarin Xukunka Lagu Ganaaxayo City.

Manchester City ayaa qaadatay talaabo su’aalo badan abuurtay kadib markii ay maxkamada xalinta khilaafaadka Sportska ee Court of Arbitration for Sport xaqiijisay in ay maamulka City diwaan gashadeen gal dacwadeed rafcaan oo ay UEFA ka qaateen.

Waqtigan ay Manchester City rafcaanka ka diwaan galisay maxkamada Court of Arbitration for Sport ayaa ah waqti ayna xataa UEFA ku dhawaaqin nooca ganaaxa ay City ku soo rogayso taas oo keentay in ay haddaba maamulka City ogyihiin go’aanka UEFA.

Xidhiidhka kubbbada cagta yurub ee UEFA ayaa hore badhitaan dheer ugu sameeyay Manchester City waxaana kooxda reer England lagu eedeeyay in ay jabisay sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub.

SIDOO KALE AKHRISO:  LA OGAADAY: Xidigii Muhiimka Ahaa Ee Ay PSG Ka Dalbatay Real Madrid In Ay Dalabkeeda Neymar Jr Soo Raaciso Oo La Ogaaday-Mana Aha Modric.

Kadib markii ay UEFA soo dhamaysay baadhitaankii waxay arinta u gudbisay golaha garsoorka UEFA si ay go’aan kama danbays ah uga gaadhaan baadhitaanka lagu sameeyay Manchester City.

Laakiin iyada oo kubbada cagta aduunku sugaysay nooca ganaaxa iyo inta uu leegaan doono ee ay UEFA ku soo rogayso Man City, waxay hadda maamulka Etihad Stadium qaadeen talaabo cusub oo ay rafcaan uga qaateen UEFA maxkamada Court of Arbitration for Sport.

Manchester City ayaa maxkamada xalinta khilaafaadka Sportska ee Court of Arbitration for Sport u sheegtay in baadhitaanka UEFA uu yahay mid dhinac ka raran oo aan sax ahayn inkasta oo la soo bandhigay dhukumentiga City loogu eedeeyay dacwadan.

Manchester City ayaa UEFA ku eedaysay in ayna waaxda sharcigeedu si dhex dhexaadinimo leh u maamulin kiiskan waxayna taasi keentay in hadda City ay rafcaankeeda u gudbisay maxkamada Court of Arbitration for Sport.

Waxay u muuqataa in Manchester City ay si uun u ogaaday inta uu leegyahay ganaaxa ay UEFA ku soo rogi doonto isla markaana ay doonayaan in ay ka sii hordhacaan oo ay maxkamada CAS kiiskooda sii geeyaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Unai Emery Oo Shaaciyay Liiska Xiddigaha Arsenal Ee Ka Hortagaya Burnley & Xiddigo Ka Maqnaa Kooxda Oo Dib U Soo Laabtay

Waxaa hore u soo baxay warar sheegaya in Manchester City laga ganaaxi doono tartanka UEFA Champions League taas oo ah arinta ay inta ugu badan ka dagaalamayso City.

Iyada oo hadda ay maxkamada Court of Arbitration for Sport cadaysay in ay kiiska rafcaanka Man City diwaan galisay, waxaa la sugayaa go’aanka UEFA iyo nooca ganaaxa ay Man City dul dhigi doonto.