RASMI: Man City Oo Heshiis Waqti Dheer Ah Ku Abaal Marisay Tababaraha Kooxdeeda Taariikhda Layaabka Leh U Sameeyay Ee Pep Guardiola

Kooxda Manchester City ayaan waqti badan u baahan in ay heshiis cusub oo waqti dheer ah ay ku abaal mariso macalinka kooxdeeda taariikhda cajiibka ah u soo sameeyay ee Pep Guardiola. Man City ayaa kadib markii ay soo dhamaysatay xili ciyaareed taariikhi ah waxay heshiis cusub ku abaal marisay abaal marisay goolhaye Ederson balse markale waxay hadda shaacisay in Guardiola uu qalinka ku duugay qandaraas cusub.

Manchester City ayaa dhibcihii abid ugu badnaa oo 100 dhibcood ah ugu soo guulaystay koobka Premier league waxayna sidoo kale soo qaaday koobka League Cupka inkasta oo uu Guardiola soo qaatay xili ciyaareedkiisii labaad oo kaliya ee horyaalka England.

Manchester City ayaa ku dhawaaqday in Guardiola uu saxiixay heshiis dhacaya sanadka 2021 iyada oo la fahansan yahay in si wayn sare loogu qaaday mushaarkiisa maadaama oo aanu markii horeba heshiiskiisu dhawayn in uu dhamaado.

Pep Guardiola ayaa ah macalinka abid heerka guulaha ugu sareeya ku soo sameeyay Premier League isaga oo boqolkiiba 72.4% soo guulaysatay kulamadii uu soo maamulay Manchester City.

Heshiiska uu Guardiola u saxiixay Manchester City ayaa ku qiimaysan 60 milyan gini waxayna maamulka Sky Blues isku hubsadeen in adeega Guardiola ay Etihad Stadium ku sii hayn doonaan ilaa sanadka 2021. Macalinka ree Spain ayaa si way ugu faraxsan horumarka uu ka sameeyay Man City isaga oo waliba doonaya in uu dadaalkiisa sii laba jibaaro.

Guardiola ayaa cadeeyay in ku guulaysiga Premier League ee xili ciyaareedka soo socda yahay kan ugu muhiimsan ee xataa uga muhiimsan ku guulaysiga Champions League laakiin in Man City ay xili ciyaareedkan soo ceebaysay horyaalka Premier league ayaa cabsi badan ku abuuraysa kooxaha waa wayn ee City la tartamaya.

Guardiola ayaa la filayaa in markale uu suuqa galin doono lacag badan si uu iskaga soo xoojiyo goobihii uu xili ciyaareedkan dareemay in ayna kooxdiisu ka fiicnayn ee ay ku sii wadan kari wayday koobabka FA Cupka iyo Champions League.