Atletico Madrid Oo Shaacisay Kooxda Uu Antoine Griezmann Ku Biirayo?

Madax fulinta kooxda Atletico Madrid ee Miguel Ángel Gil Marín ayaa war wayn saxaafada mariyay kadib markii uu si lama filaan ah ugu dhawaaqay kooxda uu ku biirayo xidiga kooxdiisa ka baxaya ee Antoine Griezmann.

Mustaqbalka Antoine Griezmann ayaa cirka ku shareernaa todobaadyadii la soo dhaafay kadib markii uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka baxayo kooxdiisa Atletico Madrid isla markaana uu dhawaan shaaciyay in uu ogyahay kooxda uu ku biiri doono.

Laakiin madaxa fulinta kooxda Atletico Madrid ee Miguel Ángel Gil Marín ayaa hadda taageerayaasha kubbada cagta kaga yaabsaday in uu haddaba ogyahay kooxda Antoine Griezmann dhawaan ku biiri doono.

Madax fulinta kooxda Atletico Madrid ee Miguel Ángel Gil Marín ayaa idaacada Radio Estadio waxa uu u xaqiijiyay in Antoine Griezmann uu ku biiri doono kooxda Barcelona.

Miguel Ángel Gil Marín oo la waydiiyay xaalada mustaqbalka Griezmann ayaa yidhi: “Anigu si xaqiiq ah ayaan u ogahay halka uu isagu doonayo in uu ka ciyaaro. Waxaan ogaa ilaa bishii March, waana Barcelona”.

Dhinaca kale madaxa fulinta Atletico ee Miguel Ángel Gil Marín ayaa Griezmann ku eedeeyay in uu isla wayn yahay wuxuuna yidhi: “Waxaa jira ciyartoy kuwaas oo dareensan in ay kooxda ka wayn yihiin, waxaa waajib nagu ah in aanu dhisno koox ragg ah”.

Heshiiska Griezmann ee Atletico Madrid ayaa July 1 waxa uu noqon doonaa 120 milyan yuro oo u dhiganta 105 milyan gini waana waqtiga la filayo in Barcelona ay ku dhawaaqi doonto heshiisa ay bishii March la gaadhay Griezmann.

Hadalka madaxa fulinta kooxda Atletico Madrid ee Miguel Ángel Gil Marín waxa uu cadayn buuxda ka bixiyay dhokumentigii la helay ee la sheegay in bishii Marcah ay kooxda Barcelona heshiis ka saxiixatay Griezmann.

Si kastaba ha ahaatee, Griezmann oo sanad ka hor ka laabtay heshiis uu Barcelona la gaadhay ayaa ugu danbayn Camp Nou ka soo muuqan doona xili ciyaareedka cusub isaga oo ka mid noqon doona isbadalka Barca laga samaynayo.