Madax Waynaha Lille Ee Gérard Lopez Ka Hadlay Heshiiska Uu Nicolas Pépé Ugu Biirayo Arsena Iyo Xogta Uu Bixiyay.

Madax waynaha kooxda Lille ee Gérard Lopez ayaa hadda si furan uga hadlay xidiga kooxdiisa ka sii baxaya ee Nicolas Pépé oo shalay u safray kooxda Arsenal kaas oo lacagtii abid ugu badnayd ay Gunners kula wareegayso.

Madax waynaha kooxda Lille ee Gérard Lopez oo la hadlayay warbaahinta dalka France ee RMC ayaa cadeeyay in Arsenal ay 80 milyan yuro oo buuxa ay ka bixinayso xidiga reer Cameroon ee Nicolas Pepe wuxuuna ku dooday in haddii ay sii adaysan lahaayeen ay heli kareen shan ilaa lix dalab oo dheeraad ah.

Madax waynaha Lille ee Gérard Lopez oo ka hadlaya heshiiska uu Nicolas Pepe uu ugu biirayo kooxda Arsenal ayaa yidhi: “Waa 80 milyan yuro oo xadidan. Haddii aanu banaanka u riixi lahayn heshisika, waxaanu heli karaynay 5 ama 6 dalab oo la mid ah”.

Gérard Lopez oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Wada xaajood aanu u marnay Nicolas Pepe iyo wakiilkiisa, waxaanu diirada ku saarnay kooxo cayiman kuwaas oo doonayay in ay diirada saaraan ee labada mashruuc ee uu ciyaartoygu xiisanayay”.

Nicolas Pepe ayaa hadda la filayaa in ay kooxda Arsenalsi rasmi ah ugu dhawaaqi doonto iyada oo haddaba madax waynaha kooxdiisa Lille ee Lopez uu ku sii dhawaaqay in uu 80 milyan yuro ugu wareegayo Gunners.

Marka ay Arsenal dhamaystirto heshiiska Nocolas Pepe waxa uu noqon doonaa xidigii taariikhda kooxdeeda ugu qaalisan iyada oo saxiixa xidigan ka dul qaaday kooxo badan oo Yurub ah.