RASMI: Liverpool Vs Everton, Man United Vs Wolves Iyo Isku Aadka Wareega Saddexaad Ee FA Cupka Oo La Sameeyay.

Waxa hadda la sameeyay isku aadka wareega saddexaad ee tartanka FA Cupka waxaana wareegan ku soo biiray kooxaha Premier League.

Waxaa wareega saddexaad ee FA Cupka ka qayb qaadanaya 64 kooxood iyada oo la sameeyay qaabka ay kooxahani isku aadi doonaan kulamada wareega saddexaad.

Manchester City oo difaacanaysa koobka FA Cupka ayaa lagu aadiyay kooxda yar ee Port Vale iyada oo kooxda Guardiola heshay isku aadkii ugu fiicnaa ee ay heli kareen.

Liverpool oo aan xili ciyaareedkan ilaa hadda wax guuldaro ahi ku soo gaadhin Premier League ayaa lagu aadiyay kooxda ay colaada wayni ka dhexayso ee Everton oo ay isla dhawaan kulankooda Premier League ciyaari doonaan.

Advertisements

Kooxda aan tababaraha rasmiga ah lahayn ee Arsenal ayaa wareega saddexaad ee FA Cupka la ciyaari doonta  kooxda heerka labaad ee Leeds United.

Manchester United waxaa lagu aadiyay kooxdii xili ciyaareedkii la soo dhaafay ceebta baday ee Wolves iyada oo Solskjaer uu markale wajihi doono kooxda xaalada ugu xun ku aburta ee Wolves.

Chelsea ay ku beegantay kooxda Nottingham Forest halka Jose Mourinho iyo kooxdiisa Tottenham ayaa wareega saddexaad ee FA Cupka ku wajihi doona kooxda heerka labaad ee Middlesbrough.

Halkan kaga bogo isku aadka Wareega Saddexaad ee FA Cupka Oo Dhamaystiran.

Birmingham vs Blackburn

Burnley vs Peterborough

Arsenal vs Leeds

Fleetwood Town vs Portsmouth

Brentford vs Stoke City

Solihull Moors or Rotherham vs Hull

Crystal Palace vs Derby

Millwall vs Newport County

Preston vs Norwich

Watford vs Tranmere Rovers

Reading vs Blackpool

Middlesbrough vs Tottenham

Manchester City vs Port Vale

Eastleigh or Crewe vs Barnsley

Bristol Rovers or Plymouth vs Coventry or Ipswich

Brighton vs Sheffield Wednesday

Bournemouth vs Luton

Bristol City vs Shrewsbury

Liverpool vs Everton

Southampton vs Huddersfield

Sheffield United vs AFC Fylde

Oxford United vs Exeter or Hartlepool

Cardiff vs Forest Green or Carlisle

Rochdale or Boston United vs Newcastle United

Charlton vs West Brom

Wolves vs Manchester United

Chelsea vs Nottingham Forest

Fulham vs Aston Villa

QPR vs Swansea

Leicester vs Wigan

Advertisements