DEG-DEG: Kulankii Aduunka Oo Dhami Sugayeen Ee Copa Libertadores Oo Santiago Bernabeu Lagu Qaban Doono -Goormaa La Ciyaari Doonaa?

Kubbada cagta aduunka ayaa si wayn u sugaysay kulankii lugta labaad ee finalka koobka kooxaha qaarada South America ee Copa Libertadores kaas oo ay iskugu soo baxeen kooxaha reer Argentina ee River Plate iyo Boca Juniors iyada oo kulankii lugtii hore ay ka dhaceen rabshadihii ugu xumaa oo aduunka oo dhan laga dareemay.

Laba jeer ayaa la badalay isla markaana dib loo dhigay kulankii lugta labaad ee finalka Copa Libertadores kaas oo ay kooxaha River Plate iyo Boca Juniors si rasmi ah ugu kala bixi lahaayeen laakiin maalo jaho wareer iyo fadeexad wayni ay dul hoganaysay kubbada cagta Argentina iyo South America, waxaa hadda soo baxay in Santiago Bernabeu lagu ciyaari doono kulankan.

Kadib markii laba jeer la kansalay taariikhdii loo qabtay kulanka Boca Juniors iyo River Plate waxaa qasab noqotay in gabi ahaanba kulankan laga daayo dalka Argentina waxaana soo baxay wadamo badan iyo garoomo badan oo doonayay in ay marti galiyaan.

Miami, Camp Nou iyo xataa garoonka kooxda PSG ayaa ka mid ahaa garoomada u tartamayay in ay marti galiyaan kulanka aduunka ugu xamaasada badan ee u dhexeeya River Plate iyo Boca Juniors laakiin war hadda soo baxay ayaa sheegaya in garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu uu noqon doono kan marti galin doona kulankan sida wayn aduunka looga sugayo.

Shirkada BWIN oo ay Real Madrid wada shaqayn leeyihiin ayaa barteeda twitterka ku shaacisay in ay hadda rasmi tahay in Bernabeu uu marti galin doono finalka Copa Libertadores ee kooxaha River Plate iyo Boca Juniors.

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA iyo waliba xidhiidhka kubbada cagta South America ee CONMEBOL  ayaa hadda u fadhiya in ay go’aan rasmi ah ka gaadhaan goobta marti galin doonta waxaana la filayaa in ay shaacin doonan in Santiago Bernabeu uu noqon doono garoonka marti galin kara finalka Copa Libertadores.

Maamulka Real Madrid ayaa haddaba la shaqaynaya booliiska caasimada Madrid si ay ugu diyaar garoobaan kulanka aduunka ugu xamaasada badan ee River Plate iyo Boca Juniors laakiin waxaa wali la sugayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqi go’aankan.

Si kastaba ha ahaatee, waxay kubbada cagta aduunku u dhegtaagaysaa go’aanka rasmiga ah ee uu ku dhawaaqi doono xidhiidhka kubbada cagta South America ee CONMEBOL marka dhinac walba ogolaadaan qorshaha ugu danbeeyay ee la soo diyaariyay.