RASMI: Kooxda Lyon Oo War Saxaafadeed Kale Ka Soo Saartay Wada Xaajoodkii Ay Liverpool Kula Jirtay Ee Heshiiska Nabil Fekir- Iyo Go’aan Kama Danbays Ah Oo Ay Gaadhay!

Kooxda Olympique Lyonnais ayaa war saxaafadeed kale ka soo saartay wada xaajoodkii ay kula jirtay Liverpool ee kabtanka kooxdeeda Nabil Fekir kaas oo ay Reds doonaysay in ay heshiiskiisa dhamaystirto inta aanu koobka aduunku furmin. Laakiin kooxda Olympique Lyonnais ayaa markan si cad u sheegtay in ay gabi ahaanba ka baxday wada xaajoodyadii ay Liverpool kula jirtay.

War saxaafadeed ay maamulka kooxda Olympique Lyonnais ka soo saareen xaalada wada xaajoodii waqtiga badan qaatay ee Nabil Fekir ayay ku cadeeyeen in xidiga ree France uu kooxdooda sii joogi doono xili ciyaareedka cusub isla markaana ay gabi ahaanba ka baxeen wada xaajoodyadii u socday Liverpool.

War saxaafadeedka ay soo saartay kooxda Lyon ayaa lagu yidhi: ” Olympique Lyonnais waxay ku wargalinaysaa in wada xaajoodkii saddexda dhinac ahaa ee kooxda Liverpool iyo Nabil Fekir ee la wareegista kabtanka OL in aanu guulaysan isla markaana in Olympique Lyonnais ay go’aansatay in ay caawa markii ay saacadu ahayd 20:00 ay soo gabagabaysay”.

Waxaana war saxaafadeedka Olympique Lyonnais lagu xaqiijiyay in Nabil Fekir uu doonayo ku biirista Liverpool balse qoraalka oo sii socda ayaa lagu yidhi: “Inkasta oo kooxda Liverpool ay tahay suurtogalnimada ahmiyada uu Nabil ugu wareegayo iyo qorshaha danaha kale ee ka kooban Nabil iyo Olympique Lyonnais, iyo kan ka imanaya kooxaha hamiga leh, waxay Olympique Lyonnais ku faraxsan tahay in markiiba ay ku xisaabtantay joogitaanka kabtankeeda kaas oo hogaamin doona xili ciyaareedka 2018/19 kaas oo ay kooxdu ka ciiyaari doonto Champions League-ga”

Wariyaha RMC ee Loic Tanzi oo ahaa wariyihii bil ka hor shaaca ka qaaday in Liverpool iyo Lyon ah ka wada xaajoonayeen heshiiska Nabil Fekir ayaa markan cadeeyay in sababta burburka wada xaajoodyadii Reds iyo Lyon ay sabab u tahay walaac ay Liverpool ka qabtay xaalada taam ahaansho ee Nabil kadib baadhitaankii soo baxay.

Wuxuuna Loic Tanzi sheegay in Liverpool ay doonaysay sidii ay qiimaha Nabil Fekir hoos ugu dhigi lahayd maadaama oo tijaabadii caafimaadka ee uu maray ayna ku wada qancin taas oo ugu danbayn ay Lyon go’aan ku gaadhay in ay soo xidho albaabkii wada xaajood ee ay kula jirtay Liverpool.

Inkasta oo ay kooxda Olympique Lyonnais  war saxaafadeedkii labaad soo saartay maalmo dhawr ah gudahood ilaa hadda ma jiro wax hadal rasmi ah oo ka soo baxay Liverpool oo ay arintan kaga war bixisay iyada oo hadda u muuqata in albaabkii Nabil Fekir ee Reds uu soo xidhmay.

Nabil Fekir ayaa maray tijaabada caafimaadka Liverpool waxaana soo baxayay warar badan oo sheegayay in uu dhibaato ka qabo jilibka isla markaana ay Liverpool ka walwalsan tahay xaaladiisa taam ahaansho laakiin Olympique Lyonnais  ayaa meel adag iska taagtay in xaalada taam ahaansho ee kabtankeedu ay qiimihiisa saamayn ku yeelato.