Kiiskii Budhcadnimada Ahaa Ee Lagu Soo Qaaday Mesut Ozil & Sead Kolasinac Iyo Amaan Daro Kale Oo Liiska Gunners Labadan Xidig Looga Saaray.

Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda kooxdooda Arsenal ee kulanka furitaanka Premier league ee ay Newcastle United la ciyaari doonaan waxaana sabab u ah kiiskii budhcadnimada ahaa ee Mesut Ozil lagu soo qaaday.

Falal amaan daro ah oo dheeraad ka ah dhacdadii hore ee Mesut Ozil gaadhigiisa loogu weeraray ayaa la ogaaday waxayna taasi keentay in liiska Unai Emery ku shaqayn doono ee kulanka Newcaslte United laga saaray Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac.

Waxay ahayd July 26 markii Mesut Ozil oo marayay dariiqa Golders Green Road isla markaana watay gaadhigiisa Mercedes G-Class SUV ay laba nin oo ku hubaysan mindiyo kuwaas oo mooto saarna ay isku dayeen in ay Ozil weerar ku qaadaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Gary Neville Oo Sheegay Inay Jiraan Shan Ciyaaryahan Oo Aan Dooneynin Inay Sii Joogaan Man United

Sead Kolasinac ayaa markaas muujiyay geesinimo iyo dagaal yahanimo layaableh kadib markii uu feedh la dhacay raggii weerarka ahaa taas oo keentay in uu aduunka oo dhan amaan kaga helay qaabkii uu budhcada Ozil weerarka ku ahayd u wajahay.

Booliiska magaalada London ayaa baadhaya dhacdadii amaan daro ee ay la kulmeen Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac waxaana soo baxay walwal cusub oo ah in amaan daro dheeraad ahi ay jirto.

Booliiska waqooyiga galbeed ee magaalada London ayaa baadhitaan ku wada dhacdadii weerarka ahayd ee lagu soo qaaday Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac, waxaana jira walaac laga qabo in ay weeraro dheeraad ah la kulmi karaan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Tababare Thomas Tuchel Oo Neymar Ka Quustay, Philippe Coutinho Oo Uu Iska Diiday In Heshiiska Neymar Lagu Daro & Ciyaartoyga Uu Barca Ka Doonayo Oo La Ogaaday.

Unai Emery ayaa ku qasbanaan doona in kulanka furitaanka Premier League ee Newcastle United in aanu kooxdiisa ku haysan doonin Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac kuwaas oo hadda la xaqiijiyay in ay seegayaan kulankan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha xaalada Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac waxaad insha Allah kula socon doontaan wararkeena soo socda isla marka ay xog cusubi ka soo baxdo.

Akhriso warkii dhacdadan: Gaadhiga Mesut Ozil Oo Ay Budhcad Mindiyo Ku Weerartay Iyo Saed Kolasinac Oo Sida Atoorayaasha U Badbaadiyay.