Halkan Ka Akhriso Kaalmaha Musharixiinta Ballon D’Or Oo Lagu Dhawaaqay.

Majalada France Football ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday kaalmaha ugu horeeyay ee abaal marinta xidiga sanadka ee Ballon D’Or iyo da’yarka aduunka ugu fiican.

Abaal marinta Ballon D’Or ayaa caawa la bixinayaa waxaana hadda si rasmi ah loo shaaciyay kaalmaha ay kala galeen qaar ka mid ah 30 kii musharax ee hore loo shaaciyay.

Da’yarka kooxda Atletico Madrid ee João Felix, Karim Benzema iyo Gini Wijnaldum ayaa qayb ka noqday magacyada ugu horeeyay ee la shaaciyay ee ka mid ahaa musharixiinta Ballon d’Or.

Eden Hazard ayaa kaalinta 13 aad ka galay Ballon d’Or halka Raheem Sterling uu kaalinta 12 aad ku fadhiy laakiin Frenkie de Jong ayaa ku dhawaaday in uu soo galo tobanka xidig ee ugu sareeya Ballon d’or wuxuuna ku jiraa kaalinta 11 aad.

Advertisements

Laakiin Roberto Firmino ayaa kaalinta 17 aad galay halka Antoine Griezmann uu kaalinta 18 aad galay inkasta oo sanadkii hore uu safka hore ku jiray.

Halkan kala soco Kaalmaha ay kala galeen musharixiintii 30 ka ahaa iyo kuwa ilaa hadda lagu dhawaaqay

28 Kaalinta – João Felix (Atletico Madrid)

28 Kaalinta – Marquinhos (PSG)

28 Kaalinta – Donny van der Beek (Ajax)

26 Kaalinta – Karim Benzema (Real Madrid)

26 Kaalinta – Georginio Wijnaldum (Liverpool)

24 Kaalinta – Kalidou Koulibaly (Napoli)

24 Kaalinta – Marc André ter Stegen (Barcelona)

23 Kaalinta – Hugo Lloris (Tottenham)

22 Kaalinta -Son Heung-min (Tottenham Hotspur)

20 Kaalinta – Pierre Emerick Aubameyang (Arsenal)

20 Kaalinta – Dusan Tadic (Ajax)

19 Kaalinta – Trent Alexander Arnold (Liverpool)

18 Kaalinta – Antoine Griezmann (Barcelona)

17 Kaalinta – Roberto Firmino (Liverpool)

16 Kaalinta – Sergio Agüero (Manchester City)

15 Kaalinta-Matthijs de Ligt (Juventus)

14 Kaalinta- Kevin De Bruyne (Manchester City)

13 Kaalinta – Eden Hazard (Real Madrid)

12 Kaalinta – Raheem Sterling (Manchester City)

11 Kaalinta – Frenkie de Jong (Barcelona)

Advertisements