RASMI: Juventus Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Massimiliano Allegri Uu Kooxda Ka Baxayo-Ayaa Badali Doona?

Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in tababare Massimiliano Allegri uu dhamaadka xili ciyaareedka kooxdooda ka baxayo.

Massimiliano Allegri ayaa go’aan ku gaadhay in uu Turin ka baxo kadib waqti guulaystay oo uu soo qaatay isaga oo la kulmay maamulka kooxdiisa Juventus.

War saxaafadeed ay Juventus soo saartay ayaa lagu cadeeyay in Maxi Allegri aanu kooxda sii joogi doonin xili ciyaareedka soo socda.

Waxayna tani la micno tahay in macalinka reer Talyaani ee Maxi Allegri uu kansalay heshiiskiisii Juventus ee dhici lahaa June 30,2020.

War saxaafadeedka Juventus oo shabakada kooxdeeda lagu daabacay ayaa lagu cadeeyay in Allegri uu kulan la qaatay madax wayne Andrea Agnelli kadibna ay go’aan buuxa isla gadheen.

Qoraalka Juventus ayaa lagu yidhi: “Massimiliano Allegri ma sii fadhiyi doono kursiga kaydka Juventus ee xili ciyaareedka 2019/2020”.

Qoraalka ayaa lagu sii sharaxay: “Tababaraha iyo iyo madax wayne Andrea Agnelli ayaa si wada jir ah saxaafada ugula kulmi doona shir jaraa’id oo ay qaban doonaan barri sabtida May 18, waxayna ku qaban doonaan Allianz Stadium 14:00 ee waqtiga maxaliga ah”.

Tababare Pep Guardiola iyo macalinka Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa markiiba noqday magacyada la soo qaadayo ee in ay badali karaan Maxi Allegri.

Antonio Conte oo uu hore Maxi Allegri uga badalay Juventus ayaa ka mid ah tababarayaasha magaca leh ee aan shaqo hayn si la mid ah Jose Mourinho.