DEG-DEG: Juventus Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ay Aaron Ramsey Heshiis Buuxa La Gaadhay, Waqtiga Uu Iman Doono Turin Iyo Dhabar Jabka Arsenal Ku Habsaday.

Kooxda Juventus ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis buuxa oo dhamaystiran la gaadhay xidiga xulka qaranka Wales iyo kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey kaas oo ay waliba si xor ah ku heli doonto. Siyaasada suuqa kala iibsiga Juventus ayaa markale guulaysatay waxayna muujiyeen sida ayna u jirin koox ku garaaci karta ciyaartoy tayo sare leh oo xor ku bixi kara.

Arsenal ayaa la kulantay dhabar jabkii ugu waynaa kadib markii ay ku fashilmeen in ay wax heshiis cusub ah ka saxiixdaan Aaron Ramsey oo muddo dheer xidigaha ugu muhiimsan ka soo ahaa Emirates Stadium laakiin hadda Ramsey ayaa si xor ah oo bilaash ah kaga dhaqaai doona Gunners.

SIDOO KALE AKHRISO:  Shaxda Macquulka Ah Ee Uu Tababare Ole Gunnar Solskjaer Doonayo In Uu Kala Hortago Kooxda Chelsea Ee Kulanka Old Trafford.

Juventus ayaa hadda ku dhawaaqday in Aaron Ramsey uu kooxdeeda si xor ah ugu soo biiri doono dhamaadka xili ciyaareedkan markaas oo uu soo dhamaysan doono qandaraaskiisa ay dhawrka bilood ka hadhsan yihiin ee Arsenal.

Haddii ay Arsenal ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixato Aaron Ramsey isla markaana ay isku afgaran waayeen mushaarkii uu dalbaday, kooxda Juventus ayaa Ramsey ku soo qaadatay mushaar 400,000 kun gini ah todobaadkiiba waana lacag waali ku ah mushaarkii ay Gunners doonayeen in Ramsey uu kooxdooda ku sii joogo.

Unai Emery ayaa hore loogu eedeeyay in uu sababta ugu wayn ka ahaa go’aanka uu Aaron Ramsey ku gaadhay in aanu heshiis cusub u saxiixin Arsenal laakiin hadda maamulka Gunners ayaa daawanaya Juventus oo si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska xidiga reer Wales ee Aaron Ramsey.

Juventus ayaa xili ciyaareedkii hore ku guulaysatay Emre Can oo ay sidan oo kale heshiis xor ah ugula wareegtay Liverpool balse Aaron Ramsey ayaa qayb ka noqday koox dhamaystiran oo ay Juventus si xor ah ku heshay sanadihii la soo dhaafay.

SIDOO KALE AKHRISO:  FADEEXAD: Man United Oo Old Trafford Ku Bahdisay Chelsea, Frank Lampard Oo Waji Gabax Lagu Soo Dhaweeyay Iyo Marcus Rashford Oo Laba Gool Dhaliyay.

Arsenal ayaa hore ugu fashilantay in ay Alexis Sanchez heshiis cusub ka saxiixato iyada oo Mkhitaryan ka dhigatay badalkiisa markii uu Sanchez go’aan ku gaadhay in uu Man United ku biiro laakiin Ozil oo ahaa xidiga kaliya ee mushaar qaali ah lagu abaal mariyay ayuu Unai Emery si aan la fahmi karin kaydka ugu hayaa taas oo keentay fashil kale oo Gunnars haysta.

Ugu danbayn Juventus ayaa kooxihii doonayay adeega Aaron Ramsey si buuxda ugu garaacday iyada oo maamulka Old Lady ay muujiyeen sida ay ugu bisil yihiin qaabka loogu guulaysto heshiisyada xorta ah ee ciyaartoyda ay kooxahooda isku xumaadaan.