Juventus Oo Iskaga Baxday Tartankii Paul Pogba, Sababta Ka Dambaysa & Real Madrid Oo Fursad DAHABI Ahi Usoo Baxday.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay gabi ahaanba iskaga baxday tartankii loogu jiray khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba.

Pogba ayaa dhawaan warkiisa caddeeyay isla markaana si aan gabasho lahayn u sheegay rabitaankiisa ah inuu iskaga tago Manchester United taas oo maalmo kaddibna uu wakiilkiisa Mino Raiola warkaas xaqiijiyay.

Haatan inuu dib ugu laabto kooxda Juventus oo uu mudo afar sano oo cajiib ah lasoo qaatay dunidana isku soo baray ayaa u muuqata mid aan dhacayn.

Walow uu Pogba u furnaa inuu ku laabto Juventus isla markaana ay heli karayeen haddii ay ku tartamaan ayuu guddoomiye ku xigeenka Juve ee Pavel Nedved wakiilkiisa u sheegay inay ka hadheen tartanka oo ay diirada saari doonaan bar-tilmaameedyada kale.

Haatan kooxda ay fursada dahabiga ahi meesha uga soo baxday ayaa ah Real Madrid taas oo Pogba ka dhigi karta saxeexeeda xiga ee weyn haddii ay waafaqaan lacagta ay United ku qiimaynayso xiddigeeda iyo mushaharka uu doonayo.

Juve ayaan baahi weyn u qabin haatan saxeex khadka dhexe ah sidii ay mudo kahor ahayd waxaana ay qaab xor ah kula saxeexdeen Aaron Ramsey iyo Adrien Rabiot oo kaga soo kala biiray Arsenal iyo PSG siday u kala horreeyaan.

Sidoo kale Juventus ayaa filanaysa inay dhawaan dhammaystiri doonto saxeexa da’yarka kooxa Fiorentina ee Federico Chiesa oo isaga qudhiisu xiisaynaya u dhaqaaqista Bianconeri.

Si kastaba ha ahaatee, Paul Pogba ayaa haatan qayb ka ah xiddigaha Red Devils ee u safray dalka Australia isaga oo halkaas kaga qayb qaadanaya tababarada ay iskugu diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.