Juventus Oo Arsenal Ku Garaacaysa Difaacii PSG Ee Layvin Kurzawa Iyo Sababta Oo Cadaatay.

Advertisements

Arsenal ayaa u muuqata kuwo ku hungoobaya heshiiskii shaqsiga ahaa ee ay la gaadheen difaaca kooxda PSG ee Layvin Kurzawa kadib markii ay Juventus qaaday talaabo ay PSG soo dhawaysay.

Advertisements

Kooxda Juventus ayaa PSG u soo bandhigtay in ay la wareegaan Mattia De Sciglio si ay badalkiisa u helaan difaaca  Layvin Kurzawa waana sababta dhabta ah ee ay Arsenal ku waayayso xidig ay heshiis buuxa la gaadheen.

Wargayska caanka ah ee L’Équipe oo ka soo baxa dalka France ayaa shaaciyay in ay wada hadalo muhiim ahi u socdaan maamulada kooxaha Juventus iyo PSG si ay isku dhaafsadaan Mattia De Sciglio iyo Layvin Kurzawa.

Layvin Kurzawa ayaa kooxda Arsenal la gaadhay heshiis uu si xor ah ugu biiri lahaa suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan laakiin Juventus ayaa dariiqa u gashay.

Should this deal be concluded, it likely puts Thomas Meunier back on the market in this final week of the window. De Sciglio & Colin Dagba both right-back options – PSG would like to extract a fee for Meunier if possible.

Wararka ayaa xaqiijinaya in saacadaha soo socda ay kooxaha Juventus iyo PSG dhamaystiri doonaan heshiska ciyaartoy isku badalashada ah ee Layvin Kurzawa iyo Mattia De Sciglio.

Waxay tani la micno tahay in PSG ay markale suuqa soo dhigi doonto Thomas Meunier haddii ay dhamaystiraan saxiixa xidiga kooxda Juventus ee Mattia De Sciglio.

Arsenal ayaa ku fashilantay in ay PSG heshiis kala gaadho iibka Layvin Kurzawa  waxayna go’aan ku gaadheen in ay si xor ah ku helaan dhamaadka xili ciyaareedkan balse Juventus iyo PSG ayaa hadda heshiis gaadhay.

Waxaa la sugayaa saacadaha soo socda ay kooxaha Juventus iyo PSG ay dhamaystiri doonaan heshiiska is dhaafsi ee Layvin Kurzawa iyo Mattia De Sciglio

Advertisements