RASMI: Isku Aadka Wareega Saddexaad Ee FA Cupka Oo La Sameeyay- Ayay Kooxaha Waa Wayn Ee Premier league Ku Beegmeen.

Waxaa la soo saaray isku aadka wareega saddexaad ee koobka kubbada cagta ugu taariikhda wayn ee FA Cupka waana waqtiga ay ku soo biiraan kooxaha Premier League iyo heerka labaad ee kubbada cagta England kadib markii ay muddo ku soo dagaalamayeen horyaalada heerka hoose.

Hadda waxaa la shaaciyay qaabka ay u wada ciyaari doonaan 64ka kooxood ee ku dagaalami doona koobka  FA Cupka iyada oo kooxaha Premier League ay haddaba ogyihiin kooxaha ay tahay in ay soo dhaafaan si ay wareega xidiga ugu soo baxaan.

Halkan Kaga Bogo Isku Aadka Wareega Saddexaad Ee FA Cupka Oo Dhamaystiran:

Waxa kale oo xili ciyaareedkan xiiso badan u yeeli doona koobka FA Cupka in xidhiidhka kubbada cagta England uu laba jibaaray qiimihii lagu helayay ku guulaysiga koobkan kaas oo si layaableh saamayn ugu yeelan doona tartankan oo xili ciyaareedyadii ugu danbeeyay hoos u dhac laga dareemayay.

Kooxda koobka FA Cupka difaacanaysa ee Chelsea ayaa lagu aadiyay kooxda heerka labaad ee Nottingham Forest iyada oo Sarri uu bilaaban doono difaacashada koobkii uu Antonio Conte xili ciyaareedkii u soo qaaday Blues ee FA Cupka.

Arsenal ayaa booqan doonta midkii soo baxa kooxaha Solihull iyo Blackpool halka Manchester City ay soo dhawayn doonto kooxda Rotherham.

Liverpool ayaa afka loo galiyay kooxda Premier league ay ka wada tirsan yihiin ee Wolves iyada oo markale nasiibka Reds uu u xumaaday qaabkii isku aadkii League Cupka waxayna kooxda Jurgen Klopp booqan dootaa Wolves kulanka wareega saddexaad ee FA Cupka.

Man United ayaa nasiib u heshay in Old Trafford ay ku soo dhawayn doonto kooxda heerka labaad ee Reading iyada oo Mourinho iyo kooxdiisu ay wali xusuusan yihiin wacdarihii ay kala kulmeen Derby County ee kulankii League Cup ay uga hadheen.

Halkan kaga bogo Isku Aadka Wareega Saddexaad Ee FA Cupka Oo Dhamaystiran:

1-Man United vs Reading

2-Everton vs Lincoln

3-Tranmere /Southport vs Tottenham

4-Newcastle vs Blackburn

5-Crystal Palace vs Grimsby

6-Chelsea vs Nottingham Forest

7-Wrexham/Newport vs Leicester

8-Fulham vs Oldham

9-Solihull/Blackpool vs Arsenal

10-Man City vs Rotherham

11-Bournemouth vs Brighton

12-West Ham vs Birmingham

13-Woking vs Watford

14-QPR vs Leeds

15-Wolves vs Liverpool

16-Burnley vs Barnsley

17-Aston Villa vs Swansea

Kulamada wareega saddexaad ee FA Cupka waxaa la ciayari doonaa usbuuc dhamaadka January 5, 2019, waana waqtiga laga soo bixi doono kulamada mashquulka badan ee Premier League ee waqtiga ciid gaaleeda.

Sidii aan soo sheegnay FA-ga Ingiriiska ayaa go’aan ku gadhay in ay laba jibaaraan qiimihii lacageed ee koobka FA Cupka iyada oo xataa wareega saddexaad ee FA Cupka kooxihii guulaystaa ay mid kastaaba heli doonto £135,500 kun oo gini taas oo la micno ah in 32 ka kooxood ee wareega xidiga u soo bixi doonaa ay ku bixi doonto lacag dhan 4,336,000 (afar milyan, saddex boqol iyo lix iyo sodon kun oo gini.