RASMI: Isku Aadka Kulamada Premier league Ee Xili Ciyaareedka Cusub Ee 2018/19 Oo Lagu Dhawaaqay,Kulamada Lagu Furitaanka Iyo Taariikhda Kulamada Derbiga La Ciyaari Doono.

Maamulka horyaalka Premier league ayaa sameeyay isku aadka iyo jadwalka kulamada Premier league ee xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 iyada oo haddaba si buuxda loo shaaciyay kulamada furitaanka ee sida wayn loo sugayay. dhamaan kooxaha Premier League ayaa hadda og kulamada ay ku bilaaban doonaan xili ciyaareedka cusub iyo waliba jadwalka guud ee xili ciyaareedka soo socda.

Kulan cajiib ah ayaa ka mid noqday kulamada furitaanka horyaalka Premier league ee xili ciyaareedka cusub iyada oo Arsenal soo dhawayn doonta kooxda koobka Premier league difaacanaysa ee Manchester City.

Laakiin kulanka Bournemouth iyo Cardiff City oo heerka labaad ka soo baxday ayaa noqon doona kulanka ugu horeeya ee Premier league lagu daah furi doono. Liverpool ayaa Anfield ku bilaaban doonta xili ciyaareedka cusub waxayna soo dhawayn doontaa West Ham United.

Manchester United ayaa sidoo kale xili ciyaareedka cusub ku furan doonta Old Trafford waxayna soo dhawayn doontaa kooxda Leicester City halka Tottenham ay booqan doonto kooxda Newcastle United.

Kulamada Furitaanka Premier League ee Xili Ciyaareedka Cusub Ee 2018/19

Bournemouth v Cardiff City
Arsenal v Manchester City
Fulham v Crystal Palace
Huddersfield Town v Chelsea
Liverpool v West Ham United
Manchester United v Leicester City
Newcastle United v Tottenham Hotspur
Southampton v Burnley
Watford v Brighton
Wolverhampton Wanderers v Everton

Halkan Kaga Bogo Saddexda Kulan Ee Min Lixda Kooxood Ee Waa Wayn Ugu Soo horayn Doona Xili Ciyaareedka Cusub Ee Premier League:

Man City: Arsenal (marti), Huddersfield (minan), Wolves (marti)

Man Utd: Leicester (minan), Brighton (marti), Tottenham (minan)

Tottenham: Newcastle (marti), Fulham (minan), Man Utd (marti)

Liverpool: West Ham (minan), Palace (marti), Brighton (minan)

Chelsea: Huddersfield (marti), Arsenal (minan), Newcastle (marti)

Arsenal: Man City (minan), Chelsea (marti), West Ham (minan)

Halkan Kaga Bogo Kulamada Ugu Danbayn doona xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 ee xili ciyaareedka lagu soo xidhi doono:

Brighton v Manchester City
Burnley v Arsenal
Crystal Palace v Bournemouth
Fulham v Newcastle United
Leicester City v Chelsea
Liverpool v Wolves
Manchester United v Cardiff City
Southampton v Huddersfield Town
Tottenham Hotspur v Everton
Watford v West Ham United

Halkan Kaga Bogo Maalmaha Kulamada Derbiga Ah Ee Ay Tahay In Si Gaar Ah Loo Diwaan Gashan Doono:

Man City v Man Utd: November 11
Arsenal v Tottenham: December 1
Liverpool v Everton: December 1
Tottenham v Arsenal: March 2
Everton v Liverpool: March 2
Man Utd v Man City: March 16

Waxaad naga filan kartaan in jadwalka oo dhamaystiran aanu idiin soo gudbino iyo waliba koox kasta kulamadeeda gaarka ah. Laakiin akhriste sideed u aragtaa kulanka ay kooxdaadu ku bilaaban doonto ama saddexda kulan ee ugu horeeya ee ay ciyaari doonto xili ciyaareedka cusub?