RASMI: FIFA Oo Shaacisay Liiska 10-ka Tababare Ee U Sharaxan Abaalmarinta THE BEST Ee Sanadkan 2019 – Miyuu Tababaraha Kooxdaadu Ku Jiraa?

Xidhiidhka kubadda cagta caalamka ee FIFA ayaa shaaciyay liiska tobbanka tababare ee u tartami doona abaalmarinta THE BEST ee tababaraha ugu fiican dunida kubadda cagta sanadkan 2019.

Liiskan ayay kusoo baxeen tobban tababare oo dhammaantood wacdarro soo dhigay xilli ciyaareedkii dhammaaday kuwaas oo qaarkood guulo qaran la gaadheen xulalkooda halka kuwa kalena heer kooxeed kusoo najaxeen.

Tababaraha kusoo guuleystay UEFA Champions League sanadkan 2019 ee Jurgen Klopp ayaa liiskan kusoo baxay si lamid ah Pep Guardiola oo saddexleyda Premier League, FA Cup iyo League Cup lasoo qaaday Manchester City.

Mauricio Pochettino oo sanadkii hore guul weyn ku hoggaamiyay Tottenham isla markaana gaadhsiiyay Final-ka Champions League markoodii ugu horreysay abid ayaa sidoo kale 10-kan shaqsi kamid noqday.

Waxaan meesha ka maqnayn macalimiinta xulalkooda wax usoo qabtay ee Tite oo Brazil ku hoggaamiyay Copa America 2019 iyo Djamel Belmadi oo Algeria ka dhigay horyaalka koobka qaramada Africa.

Liiska 10-ka Murashax Ee Abaalmarinta The Best Ee Tababarayaasha Oo Dhammaystiran

Image