RASMI: FIFA Oo Shaacisay 10-ka Ciyaartoy Ee U Tartami Doona Abaalmarinta THE BEST Ee Sanadkan 2019 – Kooxdee Xiddigaha Ugu Badan Ku Yeelatay?

Xidhiidhka kubadda cagta dunida ee FIFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska 10-ka ciyaartoy ee ku tartami doona abaalmarinta xiddiga sanadkan 2019 ee The Best.

Tobbanka ciyaartoy ee liiskan kusoo baxay ayaa kala ah Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Mohamed Salah, Virgil Van Dijk, Sadio Mane, Matthijs De Ligt, Frankie De Jong, Harry Kane, Kylian Mbappe iyo Eden Hazard.

Aan ku bilawnee Ronaldo ayaa guulo kooxeed iyo mid qaranba soo gaadhay sanadkan 2019 waxaana uu Juventus kusoo hoggaamiyay horyaalka Talyaaniga kahor intii uusan Portugal gacanta u gelin Nations League.

Dhinaca kale Messi ayaa ku tartamaya inuu La Liga lasoo qaaday Barcelona, Gool dhaliyaha ugu sarreeya Yurub soo ahaa isla markaana uu wareega afar dhammaadka ka gaadhay Copa America.

Van Dijk, Salah iyo Mane ayaa dhammaantood Liverpool kula soo guuleystay Champions League waxaana intaas dheer in Mane iyo Van Dijk ay gaadheen Finalada AFCON iyo Nations League walow ay labaduba ku hungoobeen.

Hazard ayaa UEFA Europe League kusoo hoggaamiyay Chelsea isaga oo door weyn ku lahaa kulankii Final-ka halka Harry Kane uu kamid ahaa ciyaartoydii Tottenham ee gaadhay Final-ka CL.

Labada da’yar ee dunida isasoo baray ee De Jong iyo De Ligt ayaa laf dhabar u ahaa kooxdii cidkasta kasoo yaabsatay ee Ajax, Qaab ciyaareedkooda wanaagsan ayaa haatan u gooyay inay u wareegaan Juventus iyo Barcelona.