DEG-DEG: Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Difaaca Difaaca AS Roma Ee Antonio Rudiger Iyo Wakiilka Xidigan Oo London U Soo Duulaya.

Kooxda Chelsea ayaa sarre u qaaday hamigii suuqa kala iibsiga ee uu Antonio Conte ku doonayay difaacyo tayo sarre leh waxayna Blues wada xaajoodyo la furtay difaaca kooxda AS Roma ee Antonio Rudiger iyada oo waliba uu walaalkii ahna wakiilkiisa ee Sahr Senesie uu u soo duulayo magaalada London halkaas oo uu wada hadalo dheeraad ah kula yeelan doono masuuliyiinta Blues.

Wariyaha ree Talyaani ee aadka loo ixtiraamo ee  Gianluca Di Marzio ayaa sheegay in wakiilka Antonio Rudiger isla markana ah walaalkii ee  Sahr Senesie  uu ku soo wajahan yahay caasimada England ee London iyada oo Chelsea doonaysa in ay dhamaystirto saxiixa Antonio Rudiger.

Sidoo kale Sky Sports Italia ayaa sheegay in Chelsea ay wada hadal kula jirto Antonio Rudiger laakiin markii uu Sky Sports qaybtiisa England xidhiidh la sameeyay kooxda Chelsea ayaa ka gaabsatay.

Wararka ayaa sheegaya in Chelsea ay haddaba dalab 30 milyan oo gini  gudbisay Antonio Rudiger laakiin waxaa raaci kara lacago dheeraad ah oo ku xidhan qaab ciyaareedka uu Antonio Rudiger ku soo bandhiga Chelsea iyo waliba waxyaabaha uu kula guulaysto.

Chelsea ayaa xagaagii hore waqtigan oo kale doonaysay in ay Antonio Rudiger la soo wareegto laakiin markii uu dhaawac jilibka ahi ku soo gaadhay tartankii qaramada Yurub ee Euro 2016 ayayna Blues sii wadin xiisihii ay u qabtay difaacan.

Antonio Rudiger ayaa dhawaan iska badalay wakiilkiisii  Alexander Bergweiler wuxuuna bishii hore wakiil ka dhigtay walaalkisa Sahr Senesie kaas oo hadda Chelsea kula jira wada xaajoodka uu ku doonayo in 24 jirkan Antonio Rudiger uu qayb kaga noqdo qorshaha Antonio Conte ee xili ciyaareedka cusub.

Wakiilka Antonio Rudiger ahna walaalkii ee Sahr Senesie ayaa sheegay: “Anigu waxaan ahay qofka kaliya ee saxaafada kala hadli kara mustaqbalka  Antonio Rudiger” Dhawaan ayay hayd markii uu agaasimaha kooxda Roma ee Monchi uu sheegay in ayna kooxdu ahayn goob supermarket laga dukaamaysto isaga oo markaas meesha ka saaray in Rudiger uu iib yahay.