RASMI: Chelsea Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Frank Lampard Uu Yahay Macalinka Cusub Ee Kooxdeeda Blues.

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in halyaygii hore ee kooxdeeda ee Frank Lampard uu yahay macalinka cusub ee kooxdeeda ee sida rasmiga ah u badalay Maurizio Sarri oo Juventus u wareegay.

Frank Lampard ayaa tan iyo xalay joogay Stamford Bridge halkaas oo la doonayay in heshiiskiisa si rasmi ah loogu dhawaaqo laakiin cilad ku timid baraha bulshada ee Instagram iyo Facebook ayaa keentay in xalay dib loo dhigay ku dhawaaqistiisa.

Frank Lampard ayaa saxiixay heshiis saddex sanadood uu ku ahaanayo macalinka kooxda kowaad ee Chelsea isaga oo ugu danbayn ku soo laabtay Stamford Bridge oo uu taariikh kaga soo dhigay ciyaartoy ahaan.

Markii uu saxiixay heshiiska uu ku noqday tababaraha Chelsea, Frank Lampard ayaa dareenkiisa ka hadlay wuxuuna yidhi: “Anigu si aad ah ayaan ugu hanwaynahay in aan ku soo laabtay Chelsea ee ka tababare ahaan, qof kastaaba waxa uu ogyahay jacalaynka aan u hayo kooxdan iyo taariikhda aanu wadaagno”.

“Si kastaba ha ahaatee, waxa kaliya ee aan diirada saarayaa waa shaqada aan gacanta ku hayo iyo in aan isku diyaariyo xili ciyaareedka inaga horeeya. Anigu waxaan halkan u joogaa in aan si adag u shaqeeyo, oo aan guulo badan u keeno kooxda, mana sugi karayo in aan bilawdo”.ayuu Lampard hadalkiisa raaciyay.

Agaasimaha Chelsea ee Marina Granovskaia oo heshiiska Lampard ka hadlaysa ayaa tidhi: “Anaga farxad ayay nasiinaysaa in aanu Chelsea dib ugu soo dhawayno Frank ee ka tababare ahaan. Frank waxa uu leeyahay aqoon fantastik ah iyo fahanka kooxda, xili ciyaareedkii hore waxa uu muujiyay in uu yahay mid ka mid ah tababarayaasha hibada leh ee ciyaaraha”.

Frank Lampard oo ah xidiga haysta rekoodhka gool dhalinta abid ee kooxdiisa Chelsea ayaa fursad loo siiyay in uu tababare u noqdo kooxda kowaad ee uu magaca wayn ku soo yeeshay.

Laakiin Frank Lampard ayaa noqonaya tababarihii ugu horeeyay ee heerkiisa ah ee ay maamulka Blues tababare u magacaabaan waana isbadal cusub oo ka dhacay Stamford Bridge.

Waxaa Frank Lampard horyaala dhibaatooyin waa wayn oo ay tahay in uu wax ka qabto inta aanu xili ciyaareedka cusubi bilaamin kuwaas oo aanu wararka soo socda idiinku soo gudbin doono insha Allah.