RASMI: Chelsea Oo Ganaaxii Laba Xilli Suuq Ee FIFA Kusoo Rogtay Racfaan Ka Qaadanaysa, Codsi Ay U Gudbisay CAS & Fursada Ay Haysato Haatan.

Kooxda Chelsea ayaa u muuqata mid bilaabaysa inay dadaalo dheeri ah u samayso sidii ay kooxdeeda kaga dul qaadi lahayd ganaaxii labada xilli suuq ahaa ee ay kala kulantay hay’ada ugu sarreysa kubadda cagta ee FIFA.

Blues ayaa bishii Febraury laga ganaaxay suuqa kala iibsiga ee xagaagan iyo midka bisha January ee sanadka 2020 waxaana ay ugu horreynba ku fashilmeen racfaankii ay u gudbiyeen FIFA bishii May.

Taa bedelkeeda Chelsea ayaa haatan doonaysa inay u dhaqaaqdo dhinaca maxkadama xalinta khilaafaadka ciyaaraha ee CAS waxaa ay haatan maxkamadaasi shaacisay inay heshay dalabka Chelsea.

Sababta Chelsea loo ganaaxay ayaa ahayd inay jabiyeen sharciyada kubadda cagta gaar ahaan marka ay noqoto qaabka loola saxeexdo xiddigaha da’doodu ka hooseyso 18 jirada.

Blues ayay macquul tahay inay saacadaha soo socda waayaan xiddiga ugu muhiimsan kooxdooda ee Eden Hazard oo dhinaca Real Madrid kusii jeeda waana mid kamid ah sababaha ay waxkasta ugu samaynayaan si ay ganaaxa iskaga dul qaadaan.

Kooxda dhawaan hanatay tartanka Europe League ayaa doonaysa in ganaaxa ugu yaraan dib looga dhigo si ay usoo buuxiso booska uu banayn doono Hazard sidoo kalena usoo samayso saxeexyo kale.

Fursada ay haatan Chelsea ku farxi karto ayaa ah Sanadkii 2016 ayay ahayd markii kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ay FIFA kusoo rogtay ganaax sidan oo kale ah balse waxa ay awoodeen inay xiddigo soo iibsadaan suuqii xigay kaddib racfaano ay u gudbiyeen CAS.