RASMI: Bayern Munich Oo Xaqiijisay Saxeexa Daafacii Real Marid Ee Alvaro Odriozola & Faah-Faahinta Heshiiskiisa.

Advertisements

Daafacii midigg ee kooxda Real Madrid ee Alvaro Odriozola ayaa sidii la filayay si rasmi ah u dhammaystiray heshiiskii uu ugu wareegayay kooxda ree Germany ee Bayern Munich.

Advertisements

Heshiiska uu Alvaro ugu wareegay dhinaca kooxda difaacanaysa horyaalka Bundesliga ayaan ahayn mid uu qaab rasmi ah ugu wada wareegay balse waxa uu amaah ahaan ugu soo qaadan doonaa inta xilli ciyaareedka ka dhiman.

Kaddib markii uu si rasmi ah uga gudbay tijaabada caafimaadka isla markaana ay labada kooxood waxkasta isku af-garteen, Odriozola ayaa isla maantaba tababarka la bilaabaya xiddigaha kooxdiisa cusub.

“Kaddib wada xaajoodyo gudaha ah, Waxaanu isku raacnay inaanu raacno rabitaanada tababare Hansi Flick ee ahaa xoojinta daafaca waxaaanu go’aansanay inaanu u dhaqaaqno Alvaro Odriozola”. Ayuu yidhi guddoomiyaha Bayern ee Rummenigge oo sidoo kale Real u mahad celiyay.

Odriozola ayaa sanadkii 2018 Real kaga soo biiray dhinaca kooxda magaalada uu kasoo jeedo ee Real Sociedad kaddib heshiis 30 Milyan ahaa waxaana uu xilli ciyaareedkiisii koowaad kula guuleystay koobka kooxaha aduunka.

24 sano jirkan ayaa la filayaa inuu Bavarians-ka ka heli doono fursad ka badan midii Los Blancos markaas oo uu keydka u galay Dani Carvajal oo dookha koowaad ee tababare Zinadine Zidane ah.

Advertisements