DEG-DEG: Bayern Munich Oo War Rasmi Ah Kasoo Saartay Xaalada Dhaawacii Kingsley Coman Soo Gaadhay, Miyuu Diyaar U Yahay Kulanka Liverpool Ee Toddobaadkan?

Kooxda Bayern Munich ayaa war rasmi ah kasoo saartay halista dhaawacii gaadhay xiddiga kooxdeeda ee Kingsley Coman kulankii xalay ee Augusburg iyo haddii uu taam buuxa u noqon doono kulanka adag ee ay booqan doonaan Liverpool toddobaadkan.

Coman ayaa ahaa geesiga kulankii Augusburg ee kooxdiisa Bayern ay 2-3 kusoo adkaaday kaddib markii uu soo dhaliyay laba gool isla markaana caawiyay goolka guusha ee David Alaba.

Tababaraha kooxda ee Niko Kovac ayaa ka wer wer qabay in xiddigiisu uu markale ku dhibtooday dhaawac jabniin ah oo kasoo gaadhay cagta si lamid ah sidii uu ku maqnaa saddexdii bilood ee ugu horreeyay xilli ciyaareedka balse xaalada ayaa sidaas ka duwan.

Si kastaba, Bavaria oo adeegsanaya barta bulshada ee Twitter ayaa caddayn buuxda ku samaysay in Coman uu taam u yahay inuu kahor tago Liverpool sida ay cadeeyeen shaqaalada caafimaadka ee kooxdu.

Bayern ayaa Twitter-ka ku tidhi “War wanaagsan! Dhakhaatiirtu waxa ay Kingsley Coman siiyeen cadayn kasta oo uu Liverpool ku wajaho Salaasada”

Taam ahaanshaha Coman ayaa aad muhiim ugu ah Bayern kaddib dhaawaca dhawaan soo gaadhay Arjen Robben oo xubin muhiim ah ka ahaa kooxda gaar ahaan kulamada waaweyn.

Si kastaba ha ahaatee, Labada gool ee uu Coman dhaliyay ayaa ahaa kuwiisii ugu horreeyay ee 11 kulan oo Bundesliga ah halka guushii Bayern ay ahayd midii saddexaad ee xidhiidh ah tartamada oo dhan kahor kulanka Liverpool.