Bayern Munich Oo Go’aan Ka Gaadhay Haddii Uu Arsene Wenger Badalayo Macalinkii Shaqada Laga Caydhiyay Ee Niko Kovac.

Advertisements

Maamulka kooxda Bayern Munich ayaa go’aan ka gaadhay xidhiidh uu Arsene Wenger kala soo sameeyay xiiso uu ka muujiyay in uu badalo tababaraha shaqada laga caydhiyay ee Nike Kovac.

Madax waynaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa xidhiidh ka helay Arsene Wenger kaas oo doonayay in uu Allianz Arena ka badalo Niko Kovac kaas oo shaqada laga caydhiyay kadib waji gabixii Bayern ka soo gaadhay kooxda Eintracht Frankfurt.

Advertisements

Kooxda Eintracht Frankfurt ayaa 5-1 ku gumaaday Bayern Munich waxayna guuldaradaasi keentay in ay soo gaba gabaysay mustaqbalkii Kovac oo aan markii horeba cago adag ugu taagnayn Bayern Munich.

Arsene Wenger ayaa xiisaynayay in uu qabto shaqada banaan ee Bayern Munich laakiin madax waynaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa ku gacan saydhay macalinka reer France.

Advertisements

Wargayska caanka ah ee Bild oo ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa shaaciyay in Karl-Heinz Rummenigge uu iska diiday xiisaha uga yimid Arsene Wenger.

Arsene Wenger ayaa bilaa koox ahaa tan iyo markii uu shaqada Arsenal iskaga baxay dhamaadkii xili ciyaareedkii 2017/18 kii inkasta oo uu diiday shaqooyin badan oo loo soo bandhigay si uu u qabto koox wayn oo Yurub ah.

Maamulka Bayern Munich ayaa hore kooxdooda ugu sii magcaabay Hansi Flick kaas oo si ku meel gaadh ah u sii buuxin doona booska laga caydhiyay Nike Kovac.

Maamulka Bayern Munich ayaa hadda raadinaya tababare ay kooxdooda ku aamin karaan kadib xaalad adag oo ay ku soo jireen sanadihii ugu danbeeyay.

Bayern Munich ayaa ka mid noqotay kooxaha uu galay viruska shaqo ka caydhinta tababarayaashu iyaga oo sanadihii ugu danbeeyay kala badalay tababaryaaal ka badan intii ay sanado badan soo yeesheen.

Laakiin sida uu qoray wargayska Bild, waxa uu Arsene Wenger la kulmay jawaab maya ah kadib markii uu codsaday in uu shaqada Bayern Munich qabto.

Advertisements