RASMI: Barcelona Oo Heshiis Cusub Oo Waqti Dheer Ah Ku Abaal Marisay Mucjisada Ansu Fati Iyo Lacagta Heshiiskiisa Lagu Burburin Karo.

Kooxda Barcelona ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub oo waqti dheer ah ka saxiixatay da’yarka xili ciyaareedkan u soo baxay ee Ansu Fati kaas oo waliba si wayn sare loogu qaaday lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo.

Barcelona ayaa go’aan ku gaadhay in ay heshiis cusub ka saxiixato da’yarka Ansu Fati oo si layaableh isku muujiyay horaantii xili ciyaareedkan markii uu fursad ka helay dhaawacyadii Lionel Messi iyo Dembele.

Barcelona waxay shaacisay in heerar kala duwan ay noqon doonto lacagta heshiiskan cusub ee Ansu Fati lagu burburin karaa iyada oo gaadhi doonta 400 milyan yuro.

War saxaafadeed ka soo baxay Barcelona ayaa lagu yidhi: “FC Barcelona iyo Ansu Fati waxay isla gaadheen heshiis si loo horumariyo qandaraaskii ciyaartoyga kaas oo noqon doona June 30,2022, waxaana lagu kordhiyay laba xili ciayareed iuyada oo lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo laga soo kordhiyay 100 milyan ilaa 170 milyan yuro”.

Advertisements

Ansu Fati oo wali aan gaadhin heerka da’dii uu ku saxiixi lahaa heshiis xirfadlenimo rasmi ah ayay Barcelona shaacisay in lacagta heshiiskiisa lagu burburin karaa ay gaadhi doono 400 milyan yuro marka uu saxiixo heshiiska xirfadlenimada rasmiga ah ee uu soo gaadho 18 sano jirka.

Qoraalka Barcelona ayaa la sii raaciya: “Qodobka heshiiskiisa lagu burburin karaa waxa uu ku sii badan doonaa 400 milyan yuro marka uu ciyaartoygu saxiixo qandaraaska xirfadlenimo ee uu xubin buuxda ka noqon doono kooxda kowaad”.

Advertisements