DEG-DEG: Baahinta Tooska Ah Ee Kulamada Wareega Saddexaad Ee FA Cupka Oo Lagu Dhawaaqay-Miyaa Kulanka Kooxdaada TV-ga Laga Baahin Doonaa?

Waxaa lagu dhawaaqay kulamada wareega saddexaad ee FA Cupka ee ku guulaystay baahinta tooska ah ee TV-yada sida tooska ah looga tabin doono. Manchester United ayaa halkeeda ka sii wadatay rekoodhka cajiibka ah ee nasiibka ay ugu leedahay in loo soo doorto baahinta tooska ah ee FA Cupka.

Manchester United ayaa soo dhawayn doonta kooxda Reading ee heerka labaad waxaana kulankan si toos ah looga baahin doonaa BT Sport 2, waxaana kulankan la ciyaari doonaa sabtida January 5,2019 iyada oo ciyaartu bilaami doonta 12.30 pm ee waqtiga London ama 3;30 galabnimo ee waqtiga geeska Afrika.

Waa markii 64 aad ee ka mid ah 65 kii jeer ee ugu danbeeyay ee ay Man United ku soo baxday baahinta tooska ah iyada oo rekoodhkii xidhiidhka ahaa ee 58 ka kulan ee isku xigay uu soo dhamaaday xili ciyaareedkii hore markii ay kulankii Derby iyo United seegeen baahinta tooska ah.

Kulanka Arsneal ay la ciyaari doonto midkii soo baxa Solihull Moors  ama Balckpool waxaa loo doortay kulamada sida toos ah ugu guulaystay baahinta tooska ah waxaana kulankan baahin doona BT Sport 2 waxaana kulankan la ciayari doonaa sabtida, January 5,2019 iyada oo ciyaartu bilaami doonta 5:30pm ee waqtiga England oo ku aadan 8:30 habeenimo ee saacada Geeska Afrika.

Kulanka Liverpool ay booqan doonto kooxda xili ciyaareedkan kulamadii kooxaha waa wayn bandhiga wayn soo sameysay ee Wolves waxaa uu ka mid noqday kulamada kooban ee baahinta tooska ah ee FA Cupka helay waxaana kulanka Wolves iyo Liverpool si toos ah u baahin doona BBC ONE.

Kulanka Liverpool iyo Wolves waxaa la ciyaari doonaa maalinta Isniinta ee January 7,2019 waxayna ciyaartu bilaami doontaa 7:45 PM ee waqtiga England oo ku beegan 10:45 habeenimo ee saacada Geeska Afrika.

Halkan Kaga Bogo Kulamada Baahinta Tooska Ah Ee TV-ga Ku Guulaystay Ee Wareega Saddexaad Ee FA Cupka:

Kulamada wareega saddexaad ee FA Cupka ayaa ka kooban 32 kulan oo ay ku tartamayaan 64 kooxood iyada oo inta ugu badan kulamadan aan loo helin fursad si toos ah loogu baahin doono.