RASMI: AS Roma Oo Ku Dhawaaqday In Ay Heshiis Waqti Dheer Ah Kula Soo Wareegtay Xidiga Ree Talyaani Ee Lorenzo Pellegrini .

Kooxda Horyaalka Talyaaniga ee AS Roma ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis waqti dheer ah kula soo wareegtay xidiga xulka qaranka da’yarta Italy iyo kooxda  Sassuolo ee Lorenzo Pellegrini kaas oo si ka duwan heshiisyada kale ugu dhawaaqday.

AS Roma ayaa ku guulaysatay saxiixa  Lorenzo Pellegrini oo ka tirsanaa kooxda Sassuolo isla markaana qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xulka qarankiisa Italy oo uu uga qayb galay Euro U21 waxayna Roma xidigan ka soo bixisay 10 milyan oo euros waxayna ka saxiixatay qandaraas shan sanadood ah.

Roma ayaa saxiixa  Lorenzo Pellegrini ugu dhawaaqday si ka duwan qaabkii ay heshiisyada cusub ugu dhawaaqi jirtay waxayna soo dhigtay muuqaalka  Lorenzo Pellegrini oo ciyaar gacmeed ciyaaraha isla markaana gool qurux badan inta uu dhaliyo dabaal degaya balse ugu danbaynta sheegaya in uu Roma ku biiray.

 Qoraal rasmi ah oo ay Roma ku shaacisay heshiiska Lorenzo Pellegrini ayaa lagu yidhi: “AS Roma waxay ku faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo saxiixa khadka dhexe ee Lorenzo Pellegrini oo ay kala soo wareegtay kooxda Serie A ee US Sassoulo. 21 sano jirkan ka qali jabiyay akadamiga ah Giallorossi waxa uu ku soo laabtay Roma kadib markii uu laba xili ciyaareed ku soo qaatay Sassoulo wuxuuna ku soo wareegay lacag dhan 10 milyan oo euros”.
Lorenzo Pellegrini ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah wuxuuna Roma ku qaadan doonaa ilaa 2022  wuxuuna isaga oo dareenkiisa ka hadlaya uu yidhi: “Waa dareen layaableh in aan dib u soo laabtay, tani waa ujeedadaydii isla waqtigii aan u tagay Sassoulo”.