DEG-DEG: Arsenal Oo Wada Xaajood La Furtay Xidiga Kooxaha Premier League Ku Dagaalamayaan Ee Jean Michael Seri Iyo Dalab Rasmi Ah Oo Ay Gunners Gudbinayso.

Maamulka kooxda Arsenal ayaa xili hoeba bilaabay in ay macalinka cusub ee Arsene Wenger badali doona ay u diyaariyaan koox xoogan oo uu ku hawl gali karo waxayna wada xaajood la fureen xidiga kooxaha Premier league ku dagaalamayaan ee Jean Michael Seri oo ka tirsan kooxda horyaalka France ee Nice.

Jean Michael Seri oo suuqii xagaagii la soo dhaafay heshiis la gaadhay Barcelona isla markaana uu heshiiskaasi burburay daqiiqadihii ugu danbeeyay ee la dhamaystiri lahaa ayaa sidoo kale si xoogan loola xidhiidhinayay kooxaha Premier league oo Liverpool iyo Manchester City ka mid yihiin.

Laakiin sida uu hadda shaaca ka qaaday Sky Sports News, masuuliyiinta kooxda Arsenal ayaa wada xaajood la furay wakiilada Jean Michael Seri iyada oo waliba la filayo in Gunners ay dalab rasmi ah miiska u saari doonto kooxda Nice.

Inkasta oo aan horyaalka dalka France laga ogolayn in ciyaartoyda heshiiskooda lagu daro qodob sheegaya qiimaha qandaraaskooda lagu burburin karo waxay wararku tan iyo xagaagii hore sheegayeen in heshiiska Jean Michael Seri ee kooxdiisa Nice lagu kansali karo 35 milyan gini.

Dhinaca kale wargayska caanka ah ee dalka France ka soo baxa ee L’Équipe ayaa isna sheegay in Arsenal ay joogto boos xoogan oo ay kula wareegi karto xidiga khadka dhexe ee Jean Michael Seri oo lagu naanayso Xavi-ga Afrika kaas oo awood badan oo ciyaareed ku soo kordhin kara Gunners.

xidiga ree Ivory Coast ee Jean Michael Seri ayaa doonaya in suuqa dhawaan furmi doona uu ka baxo kooxdiisa Nice iyo horyaalka France wuxuuna diyaar u yahay in uu u dhaqaaqo horyaalka Premier league oo ayna Arsenal ahayn kooxda kaliya ee doonaysa.

Iyada oo Arsenal wali suuqa ugu jirta macalinka badali doona Arsene Wenger oo 22 sano kadib macasalaameeyay Gunners ayay sidoo kale wadaan qorshihii ay xili horeba suuqa kaga heli lahaayeen ciyaartoy muhiim ah oo uu Jean Michael Seri  ku jiro kuwaas oo ka soo saari kara xaalada xun ee ay ku soo jireen labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay.

Sida aad qormada sare ka arki karto, Sky Sports News ayaa shaaciyay in masuuliyiinta Arsenal ay wada hadalo la yeesheen wakiilada xidiga kooxda Nice ee Jean Michael Seri  waxaana qoraalkan lagu xaqiijiyay in Gunners ay tixgalinayso sidii ay dalab rasmi ah u gudbin lahayd. Wixii warar ah ee ka soo kordha insha Allah wararkeena soo socda ayaad kula socon kartaan.