RASMI: Arsenal Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Warkii Ugu Xumaa Ee Ay Jamaahiirteedu Maqli Kareen Iyo Henrikh Mkhitaryan Oo Kulanka Chelsea Ee Europa League Seegaya.

Kooxda Arsenal ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in xidiga kooxdeeda ee Henrikh Mkhitaryan uu seegayo finalka UEFA Europa League ee ay Chelsea kula ciyaari doonaan caasimada Baku.

Inkasta oo ay hore Arsenal u heshay rajo ahayd in Henrikh Mkhitaryan uu gali karo dalka Azerbiajan ee marti galinaya finalka Europa League waxay hadda war saxaafadeed naxdin ku abuuray jamaahiirta Gunners ay ku shaaciyeen in Henrikh Mkhitaryan uu seegayo finalka Europa League.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya wadamada Azerbiajan oo marti galinaya finalka Europa League iyo dalka uu Mkhitaryan ka soo jeedo ee Armenia ayaa ah sababta dhabta ah ee uu finalka Europa league ku seegayo.

War saxaafadeedka Arsenal ka soo baxay ee looga hadlay Mkhitaryan ayaa lagu bilaabay: “Waxaanu aad uga niyadjabsanahay in aanu ku dhawaaqno in Henrikh Mkhitaryan aanu kooxda ula safri doonin finalkeena UEFA Euorpa league ee ka dhanka ah Chelsea”.

“Waxaanu sahaminay dhamaan doorashooyinka uu Micki qayb kaga noqon lahaa kooxda laakiin markii aanu la hadalnay Micki iyo qoyskiisa waxaanu si wada jir ah iskula qaadanay in aanu qayb ka noqon safarka”. ayaa qoraalka la sii raaciyay.

Arsenal oo sharaxaysa xidhiidhkii ay UEFA la sameeyeen ayaa qoraalka lagu yidhi: “Waxaanu UEFA u qornay walaaca qotoda dheer ee aanu ka qabno xaalada. Micki ciyaartoy muhiim ah ayuu u soo ahaa tartankayaga soo gaadhista finalka, sidaa daraadeed tani khasaare wayn ayay nagu tahay iyo aragtida kooxdaba”.

Arsenal ayaa eedayn u soo jeedisay dhinacyada arintan sababay waxaana qoraalka lagu yidhi: “Waxaanu sidoo kale ka aad uga murugaysanahay in ciyaartoy uu finalka tartan wayn oo Yurub ah uu ku seegayo duruufta sidan ah, taas oo ah wax aad ugu qariib ah waayaha ciyaareed ee ciyaartoyda kubbada cagta”.

Henrikh Mkhitaryan ayaa haddii ay kooxdiisa Arsenal ku guulaysato heli doona bilada Europa League laakiin waxaa murugo wayn ku ah in finalka Europa League uu u seegayo arin siyaasadeed.

Kulankii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan ay Arsenal ugu safartay isla dalka Azerbiajan ayuu Henrikh Mkhitaryan seegay iyada oo aan dalkan loo ogolayn in ciyaartoyda Armenia ay soo gali karaan.