RASMI: Arsenal Oo Dhammaystirtay Saxeexa Ciyaartoy Waraysigiisii Ugu Horreysay Iskula Bar-Bardhigay Cristiano Ronaldo!!

Kooxda horyaalka Premier League ee Arsenal ayaa maanta ku dhawaaqday saxeexeedii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka waxaana ay dhammaystirtay heshiiska da’yarka ree Brazil ee Gabriel Martinelli oo ay Lix milyan ku heleen.

18 jirkan ayaa ah mid kamida xiddigaha da’da yar ee dalka Brazil kuwooda ugu mustaqbalka wanaagsan waxaana uu dhawaan wicitaan ka helay xulka qarankaas oo uu tababar kula qaatay qaranka ka qayb galaya Copa America.

Gabriel Martinelli ayaa 10 gool usoo dhaliyay kooxda Sao Paolo kaddib 36 kulan oo uu u ciyaaray isaga oo kulankiisii ugu horreeyay matalay xilli uu ahaa kaliya 16 sano jir.

Xiddigan ayaa loogu soo codeeyay inuu yahay xiddigii ugu fiicnaa ee xiddigaha dhawaan soo baxay sanadkan 2019 isagoo dhinaca kale kusoo baxay shaxdii Campeonato Paulista ee maamulka Sao Paolo dhexdeeda.

Martinelli ayaa Gunners kala qayb gali doona kulamada ka horreeya xilli ciyaareedka iyadoo ay jamaahiirtu si gaar ah isha ugu hayn doonaan kaddib markii uu isla bar-bardhigay Cristiano Ronaldo.

Waxyaabaha uu mucjisada ku noqday saxeexani isla markaana durtaba la hadal hayo ayaa ah isbar-bardhigiisa Ronaldo isaga oo sheegay inuu kaga daydo shaqada adag.

Martinelli ayaa yidhi “Ciyaartayda waxaan kala qaab dhigaa Cristiano Ronaldo, Isagu waa ciyaartoy si adag u shaqeeya oo naftiisa ku riixa heerka xiga inta badan ee u tartamista koobabka iyo abaalmarinaha shaqsiga ah”