“De Ligt Wuu Ku Maadsanayaa Barcelona” – Heshiiska Ijiid Aan Ku Jiidee Noqday Ee Uu Matthijs De Ligt Ugu Wareegayay Barcelona Oo La Eedeeyay.

Mustaqbalka da’yarka kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt ayaa wali cirka ku shareerar waxaana maalin kasta oo soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in kolba kooxi ay majaraha u qabatay heshiiska lagu doonayo.

Kooxaha kala ah Barcelona, Liverpool, Manchester United iyo PSG  ayaa ah inta ilaa haatan ugu cad cad ee doonaysa inay 19 jirkan la saxeexdaan balse wali lama kala guuleysan waxaana uu u muuqdaa mid jiho wareeriyay kooxahaas.

Shaqsiga kubadda adag ciyaaraya isla markaana la aaminsan yahay inuu ka dambeeyo go’aan qaadasho la’aanta De Ligta ayaa ah wakiilkiisa Mino Raiola kaas oo kooxaha doonaya ka dalbanaya lacago badan.

SIDOO KALE AKHRISO:  Jose Mourinho Oo Soo Xulay Shaxda Ay Tahay Inay Chelsea Kala Hortagto Liverpool Koobka UEFA Super Cup Ee Arbacada

Wariye Josep Pedrerol oo ka hawl gala muuq-baahiyaha ree Spain ee El Chiringuito TV ayaa haatan si weyn u dhaleeceeyay heshiiskan mudada dheer jiitamaya ee De Ligt isaga oo ku sheegay mid ku maadsanaya kooxda.

Wariye Pedrerol ayaa yidhi “De Ligt wuu ku maadsanayaa kooxda, Su’aashu waxay tahay intee in le’eg, Intee in le’eg ayay ku qaadan doonyaa Bartomeu?”

“Intee in le’eg ayuu waari doonaa xaraashka De Ligt ee wakiil Raiola? Barca waa inay tidhaahdo ‘Way nagu filantahay”

“Maxaa xilli horeba laga go’aamiyay arrimaha De Ligt? Waa kaftan wanaagsan, De Ligt waa mid wanaagsan, Mid aad u wanaagsan, Laakiin marka Barcelona la joogo qofna ma jees-jeeso”