De Ligt Oo Loo Sheegay Inuusan Wax Horumar Ah Samayn Doonin Haddii Uu Ku Biiro PSG & LABA Kooxood Oo Ciyaartiisa Ku Haboon Oo Loo Tilmaamay.

Sheekada suuqa kala iibsiga ee ku saabsan daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa wali haysta bogaga hore ee wargeysyada ugu waaweyn dunida iyadoo uu daafacani diidan yahay inuu go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa ilaa uu kasoo laabto fasaxiisa.

De Ligt ayaa markii hore loo badinayay inuu ku biiri doono Barcelona oo uu halkaas kula midoobi doono saaxiibkiisii Ajax ee Frankie De Jong balse arrimaha mustaqbalkiisa ayaa noqday kuwo sii daba dheeraaday.

Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxayay xaalada aan salka badan ku fadhiyin ee De Ligt ayaa ah inuu ku dhaw yahay ku biirista Paris Saint-Germain xilli wakiilkiisa Mino Raiola uu ku sugan yahay caasimada France haatan.

Haatan Ronaldo de Boer oo ah walaalka tababarihii hore ee Ajax ee Frank De Boer ahna mid kamida halyeeyada kubadda Golf-ka ayaa gabi ahaanba kasoo horjeedsaday in De Ligt uu u wareego PSG.

De Boer ayaa sheegay in da’yarkani uusan wax horumar ah ku samayn doonin kooxda tababare Thomas Tuchel isla markaana labada kooxood ee kaliya ee anfici doona ciyaartiisu ay yihiin Barcelona iyo Manchester City.

Ronaldo De Boer ayaa yidhi “Uma malaynayo inay dookha ugu wanaagsan u noqon doonto isaga inuu ku biiro Paris Saint-Germain, Waa koox cajiib ah laakiin kuma jiraan kuwa ugu cad cad hanaankiisa ciyaareedna halkaas kuma horumari doono”

“(Manchester) City  iyo Barcelona ayaa noqon lahaa kooxaha ugu wanaagsan ee hanaankiisa ciyaareed, Waan hubaa waa ciyaartoy leh tayo badan waxaana uu kasoo baxayaa xilli ciyaareed cajiib ah”

“Qaab ciyaareedkiisu waxa uu ku haboonaan lahaa Barca sababtoo ah aad ugama duwana midka Ajax, Waxa uu noqon doonaa mid guuleysta”