Da’yarka Usoo Baxay Chelsea Ee Mason Mount Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Barcelona & Real Marid – Miyuu Ku Fikirayaa Inuu Midkood U Wareego?

Advertisements

Da’yarka bandhiga wanaagsan xilli ciyaareedkan ku samaynaya kooxda Chelsea ee Mason Mount ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu mustaqbalka ku dambayn doono midkood kooxaha ree Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.

Hadalkan ayaan ahayn mid saxaafadi keentay balse waxa uu kasoo yeedhay Mitchell Van Bergen oo ay hore Mount uga soo wada tirsanaayeen kooxda ree Holland ee Vitesse.

Advertisements

Van Bergen oo haatan ka ciyaara kooxda Heerenveen ayaa shaaca ka qaaday in Mount oo uu aqoon fiican u leeyahay uu yeelan doono awood uu ugu ciyaaro kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Si kastaba, Iyadoo jamaahiirta Chelsea ay ka war sugayeen waxa uu hadalkaas kaga fal-celin doono Mason ayuu haatan shaaca ka qaaday inuusan gabi ahaanba ka fikirayn wax fog balse uu diirada saarayo Chelsea iyo kulanka kusoo socda.

Advertisements

Mason Mount ayaa ugu horreynba yidhi “Anigu sida iska cad aad ayaan ugu dhawahay isaga (Van Bergen), Waxaanu leenahay dabar dhaw, Isagu waa ciyaartoy cajiib ah laakiin diiradaydu waxa ay saaran tahay Chelsea kanina waa sanadkaygii ugu horreeyay sidaa darteed meel hore oo aad u fog ma eegayo”.

“Diiradaydu waxa ay saarantahay kulanka xiga, Taasi waa nooc kamida inta uu leeg yahay fogaanshaha aan eegayaa”.

Chelsea ayaa kulanka xiga oo noqon doona mid Champions League ah gegideeda Stamford Bridge kusoo dhawayn doonta Ajax oo ay kulankii hore saddex dhibcood kasoo qaadatay.

Advertisements