Da’yarka Sida Weyn Loola Xidhiidhinayo Kooxda Barcelona Ee Frenkie De Jong Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Haddii Uu Xagaagan Ku Biiri Doono Blaugrana.

Da’yarka sida weyn loola xidhiidhinayo kooxda Barcelona ee Frenkie De Jong ayaa markii ugu horraysay ka hadlay haddii uu maalin uun ku biiri doono kooxda ree Catalonia oo si weyn xiiso ugu muujisay suuqa xagaagan.

De Jong ayaa ka ciyaari doona xilli ciyaareedkan kooxda tartanka ugu weyn qaarada Yurub ee UEFA Champions League balse ma matali doono Barca ee waxa uu sii xidhnaan doonaa maaliyada cadaanka iyo casaanka ah ee uu lugtiisa ugu soo saaray UCL.

De jong ayaa door laxaad leh ka qaatay guushii weyneyd ee ay kooxdiisu kasoo hoysay kooxda Dynamo Kyiv ee kulamada isreeb-reebka Champions League, Da’yarkan ayaa kulanka kaddib la weydiiyay haddii uu ku biiri doono kooxda Barca wuxuuna sheegay inuu maalin uun aadi doono Camp Nou balse aysan wakhti xaadirkan ahayn.

Frankie ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan doonayaa inaan u ciyaaro Barca waxaana laga yaabaa inaan sidaas maalin uun samayn doono laakiin maaha xilli ciyaareedkan”

Da’yarkan hibada u leh maamulka khadka dhexe ayaa sidoo kale sheegay in kooxdiisa iyo Blaugrana ay kuwada jiraan wadahadal ay kaga wada shaqaynayaa sidii uu Barcelona u aadi lahaa xilli ciyaareedka cusub.

De jong ayaa isaga oo ka war sugaya halka ay iskula dambeeyaan wada xaajoodka ay labada kooxood kuwada jiraan sheegay inuu haatan diirada ku hayo sidii uu xilli ciyaareed wanaagsan ula qaadan lahaa kooxda ree Holland, Waxaana uu yidhi mar uu ka hadlayay sida uu diirada ugu hayo xilli ciyaareedkan “Waxaaan rajaynayaa inuu noqdo xilli ciyaareed maad badan leh”