Da’yar Mustaqbal Weyn Leh Oo Qayb Ka Ah Kooxda Chelsea Oo U Muuqda Mid Iskaga Hayaamaya Kooxda Ree London Xilli Barcelona Iyo Bayern Munich Ay Tartan U Galeen

Kooxda Chelsea ayaa qarka u saaran inay lumiso mid kamid ah xiddigaha ugu mustaqbalka fiican kooxdeeda waxaana xiddigahaas saxeexiisa saf ugu jira kooxo badan oo ay ugu horreeyaan Bayern Munich iyo Barcelona.

allum Hudson-Odoi oo loo arko da’yar mustaqbal weyn kuleh kubadda cagta ayaa ku biiri kara Bayern amaba Barca sababtoo ah inuusan ku qanacsanayn qaabka loogala dhaqmayo kooxda gaar ahaan hanaanka uu Maurizio Sarri ku wajahay isaga.

Sida laga soo xiganayo wargeyska The Sun, Kooxda tababare Niko Kovac ee Bayern Munich ayaa haatan booska ugu dhaw u fadhida sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd Hudson-Odoi, Wargeyska ayaa sidoo kale xusay in Barcelona ay sidoo kale la socoto horumarka da’yarkan.

Heshiiska 18 jirkan ayaa ah mid ku eeg badhtamaha sanadka 2020 waana dhacdada ku qasbi karta Blues inay iska iibiso xagaaga soo socda si ay uga hor tagto inay qaab xor ah ku lumiso xagaaga 2020.

Callum ayaa kamid ah xiddigaha kasoo jeeda dalka England kuwooda ugu mustaqbalka fiican, Waxa uu tartanka Koobka Aduunka ee xiddigaha da’doodu ka yartahay 17-ka kula soo guuleystay England.

Isagoo kaliya jira da’da 18, Hudson ayaa ciyaaray laba kulan oo Premier League ah iyo waliba kulamo ka tirsan tartamada FA Cup iyo League Cup.